Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Madaxweyne Muuse Biixi Ka Taageerayso Hirgelinta Qorsheyaashiisa Horumarineed

29
3062

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka taageerto dhinacyo badan oo muhiim ah, iyadoo xustay inay horeba gacan weyn uga gaysatay doorashooyinkii Somaliland ka qabsoomay ee kala duwanaa.

Xildhibaan Lord Luce oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa xukuumadda Ingiriiska weydiiyay siyaasadda xukuumadda Ingiriiska ee ku waajahan xukumadda cusub ee Somaliland iyo waxyaabaha ay UK doonayso inay ka taageerto Somaliland ee u qorshaysan. Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda iyo dalalka barwaaqo sooranka Ingiriiska Ahmad of Wimbledon ayaa ka jawaabay su’aasha xildhibaanka, waxaanu sheegay in Ingiriisku diyaar u yahay inuu madaxweynaha cusub ee Somaliland ka taageero hirgelinta barmaamijkiisa horumarineed, waxaanu yidhi “UK waxa ay ku bogaadisay madaxweynaha dhawaan loo doortay Somaliland guushiisa. Door muhiim ah ayaanu ka qaadanay taageerista doorashooyinka oo ay ku jiraan lixdan goob-jooge oo aanu gaynay oo doorashadii kormeeray. Ingiriisku wuxuu kala shaqaynayaa dawladda cusub ee Somaliland inuu ka taageero sidii ay u gaadhi lahayd qorshaheeda horumarineed iyo dib u habayno kale oo muhiim ah. Waxaanu siinaynaa kaalmo bini-aadminimo, waxaanan taageeraynaa horumarinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista dawlad wanaaga iyo helitaanka adeeg cadaaladeed oo sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here