Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Kulan Dhex Maray Farmaajo Iyo Dhaxal Sugaha Dalkaas

0
524

Abu Dhabi (Geeska)- Wakaaladda rasmiga ah ee wararka dalka Imaaraadka ayaa maalintii shalay baahisay warka kulan dhex maray dhaxal-sugaha dawladda Imaaraadka Sheekh Muxammed Bin Saayid Aala Nahyaan, oo isla markaana ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalkaas iyo madaxweynaha dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga Imaaraadka.

“Amiirka ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo waftiga la socday soo dhoweeyey, waxa aanay ka wada hadleen xidhiidhka walaalnimo ee labada dal iyo siyaabaha loo sii xoojin karo, loona horumarin karo si uu u noqdo mid u adeega danaha ay wadaagaan labada dal” ayaa lagu yidhi warka ay wakaaladda wararka dawladda Imaaraadku ka qortay kulankan. Iyada oo intaas ku sii dartay in labada dhinac isla eegeen iskaashiga dhinacyadad badan leh ee u dhexeeya, oo ay ka mid yihiin mashaariic horumarineed oo dawladda Imaaraadka Carabtu u fulinayso shacabka Soomaaliyeed, si dib loogu soo celiyo dib-u-dhiska hay’adaha dawladda Soomaaliya, isla markaana loo siiyo caawimo bulsho iyo samofal.

Warku waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu amiirka uga warramay dadaalka dawladdiisa ee la dagaallanka argagaxisada, iyo dhawrista amniga iyo xasiloonida dhulka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu amiirka gaadhsiiyey mahadda badan ee ay dadka Soomaaliyeed ka sheeganayaan taageerada joogtada ah ee ay dawladda Imaaraadku ka geysato, xasilinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay warkan oo ay wakaaladda wararka Imaaraadka ee magaceeda loo soo gaabiyo WAM baahisay maalintii shalay ee 10ka Abriil, waxa aanu intaas ku daray in Sheekh Maxamed Bin Saayid Aala Nahyaan uu Farmaajo u caddeeyey in dawladda Imaaraadku ay sii wadi doonto caawimda walaalahooda Soomaaliya, iyo taageerada dhismaha hay’adaha dawladda si loo xoojiyo amniga, xasiloonida iyo horumarka.

Warkan uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda WAM, waxaa lagu sheegay in Sheekh Muxamed Bin Saayid, uu Madaxweyne Farmaajo u caddeeyey in dawladda Imaaraadka Carabtu ay adkaynayso xidhiidhika taariikhiga ah welina socda ee ay la leedahay Shacabka Soomaaliyeed, iyo in dawladda Imaaraadka Carabtu ay gacan siin doonto dadaalka uu madaxweynaha Soomaaliya ku xoojinayo amniga, xasiloonida iyo horumarka, iyaga oo sheegay in ay taageero buuxda u noqon doonaan.

Waxa uu warku sheegay in kulankan labada dhinac dhex maray sidoo kale la iskula soo qaaday, wax lagu magacaabay arrimo door ah iyo xaaladaha taagan ee gobal iyo dunidaba, iyo sidoo kale arrimaha muhiimka u ah labada dhinac.

Dhinaca Imaaraadka, Amiirka waxaa kulankan ku wehelinayey Dr. Anwar Muxammed Qarqaash wasiiru dawlaha arrimaha dibadda, Cali Bin Xamaad Shaamsi xoghaye ku-xigeenka golaha sare ee amniga qaranka iyo Mubaarak Al-Masruuci oo ah gacanyaraha dhaxal sugaha Abu Dhabi. Halka dhinaca Soomaalidana ay madaxweyne Farmaajo wehelinayeen, wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad, wasiirka madaxtooyada Cabdiqaadir Macallin Nuur, La taliyaha amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali iyo tiro masuuliyiin ah oo kale. Waxaa iyaguna kulankan joogay laba danjire ee labada dal.