“Dawladaydu Waxay Isu Diyaarinaysay Inay Dib U Bilowdo Wada Hadaladii Soomaaliya, Waxase Hadda Qasab Nagu Noqotay Inaanu Dib U Eegis Samayno”

26
3100

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa qoraal dheer oo uu toddobaadkan ku qoray wargeyska The National ee dalka Imaaraadka Carabta, wuxuu kaga hadlay faa’iidada maalgashiga DP world uu u keenayo Somaliland iyo guud ahaan gobalka Geeska Afrika.

Madaxweyne Biixi, wuxuu qoraalkan ku sheegay in talaabooyinka ay dawladda Soomaaliya kaga jawaabtay heshiiska saddex geesoodka ahi ee Berbera aanu lahayn macno sharci iyo mid saamayn toona balse uu muujinayo cadaawada Soomaaliya u qabto Somaliland, waxaanu sheegay inay dib u eegayaan wada  hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee loo balansanaa oo uu tilmaamay inaanay suurtogal ahayn xaaladahan dartood. Qoraalka Madaxweynaha oo aanu soo turjunay wuxuu u dhignaa sidan “April 2016 waxa Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal Afrikaan ah oo ku yaal Geeska Afrika uu si kalsooni leh ugu dhawaaqay iskaashi caalami ah oo dawladda iyo shirkad gaar loo leeyahay ka dhexeeya oo qiimihiisu yahay 442 milyan oo Doolar oo noqonaysa maalgelintii u waynayd ee dalku helo tan iyo markii uu ku daawaaqay sanadkii 1991 inuu madax-banaanidiisii ka qaatay dalka ay dersika yihiin ee Somaliya.

Dawladda Somaliland iyo DP World oo ah shirkad caalami ah oo hormood ka ah maamulidda dekedaha, waxaay samaysteen shirkad ay wada leeyihiin oo maamuli doonta islamarkaana maalgelin ku samaynaysa dekedda Berbera. Dhismaha balaadhinta dekedda ayaa la filayaa inay bilaabanto badhtamaha sanadkan, waxaana la filayaa inay ku dhamaato 18 ilaa 24 bilood gudohood.

Maalgelintani waxaay xarunta ganacsiga iyo hawlaha badda ee gobolka ka dhigi doonta Somaliland. Waxaay abuuri doontaa qaybta contaynarada ee dekedda oo awood u yeelan doontaa ilaa 1.25 Milyan  oo TEUs sanadkii marka la dhamaystiro. Waa caddaan in tani tahay codka kalsoonida oo loo qaaday xasiloonida siyaasadeed iyo bulsho ee Somaliland.

Itoobiya oo ah dalka ugu dhaqaalaha wayn gobolka islamarkaana ah qaaradda Afrika dalka ugu dadka badan ee aan lahayn bad, ayaa ku biirtay Somaliland iyo DP World bisha March 2018, taas oo u rogtay horumarinta dekedda Berbera maalgelin ay wadamo badani ku jiraan.

Sidaas darteed, Bebera waxaay hadda taagan tahay inay noqoto deked albaab u ah Afrikada bari inta aan lahayn badda. Tani waxaay markaa u keenaysa badhaadhe dhaqaale, horumar bulsho iyo xasilooni siyaasadeed gobolka, gaar ahaan Somaliland oo shaqo la’aanta haysta dadka ka yar 30 jirka ay gaadhsiisan tahay 70%.

Iyada oo ay iska cadahay faa’iiidada ay maalgelinta saddex geesoodka ahi u keenayso Geeska Afrika, ayaa Baarlamaanka Somaliya uu Isniintii si cadaawadi ka buuxdo ugu dhawaaqay in marshuucani yahay mid aan waxba ka jirin, uuna doonay inuu ka mamnuuco DP World inay maalgashato Somaliland. Inkasta oo aanu go’aanku lahayn macno sharci islamarkaana aanu sinaba raad ugu yeelan dooni heshiiska lala galay DP World iyo Itoobiya, hadana wuxuu u cadaynayaa bulshada caalamka cadaawadda bilaa macnaha ah ee ay Somaliya u hayso Somaliland, cadawadaas oo aan kala go’ lahayn tan iyo markii aanu go’aansanay 18kii May 1991 inaanu ka baxnay midawgii aannu kula jirnay oo aanu dib ula soo noqonay madax-banaanidii iyo xorriyadayadii dal ahaan.

Bulshada caalamku waa inay is-waydiiso sababta Somaliya oo ah dal la siinayay balaayiin doolar oo caawimo ah soddonkii sanadood ee u danbeyey, balse weli ah dal fashilmay, ay ugu isticmaalayso xoogaaga yar ee fadhiga siyaasadeed ah ee ay haysato si ay u majaxaabiso marshuuc badhaadhe wayn u keenaya gobolka oo dhan.

Dawladaydu waxaay isku diyaarinaysay inay dib u bilawdo wada hadal ay la gasho Somaliya si looga wada hadlo danaha kawada dhexeeya iyo sidii qaab la isku ogol yahay loo kala bixi lahaa. Wada hadalkaasi wuxuu u balansanaa inuu bilaabmo dhamaadka bishan. Balse marka la eego caddaawada aan loo baahnayn ee ka timi Somaliya, waxaa hadda qasab nagu noqotay inaanu dib u eegis ku samayo mawqifkayaga.

Somaliya way soo dhaaftay xadkeedii. Isku daygeeda aan guulaysan ee ay ku doontay inay ku waxyeelayso maalgelinta uu Geeska Afrika sida wayn ugu baahan yahay wuxuu dhaawac u gaysanayaa cid kasta oo gobolka ku nool oo ay ka mid yihiin dad badan oo aan waxba galabsan oo Somali ah.

Sidaas darteed waxaanu si adag u canbaaraynaynaa mawqifka ay taagan tahay Somaliya, waxaanuna ugu baaqaynaa bulshada caalamka inay si taas la mid ah nala qaataan iyaga oo u samaynaya danta nabadda iyo badhaadhaha Geeska Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here