Dawlada Somaliya Oo Sheegtay In Qaraxii Hotel Jazeera Uu Ka Danbeeyey Wiil Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland

0
613

wiiilMuqdisho(Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa qaraxii toddobaadkan lala beegsaday hoteelka Jazeera ee Muqdisho, waxay ku eedaysay inuu fuliyay wiil dhallinyaro ahaa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobalka Awdal oo ay magaciisa ku sheegtay C/Risaaq Muuse Buux, ina Shukri Faarax, 30 jir ah. Waxaanay soo bandhigtay muuqaalkiisa.

Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay hay’adda Nabadsugidda Somaliya, waxa kale oo ay fududaynta weerarkaas ku eedaysay C/naasir Axmed Buuni oo isna ah muwaadin reer Somalialnd ah oo ku sugan magaalada Borama, horena u beeniyay eedda dawladda Somaliya ee ah inuu ka tirsanyahay Al-Shabaab. “C/Risaaq Muuse Buux, ina Shukri Faarax, 30 jir, Reer Boorame ah, ku dhashay magaalada Tripoli-Libya, wuxuuna ku noolaa magaalada Born, Dalka Jarmalka. C/risaaq wuxuu soo maray Dalka Masar, markii uu dalka dib ugu soo noqonayey sanadkii 2012.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka dawladda Somaliya, gaar ahaan nabadsugidda, waxaanay intaas raacisay “Waxaa soo baxayaa inay jiraan shaqsiyaad kale oo lahaa abaabulka & fududaynta weerarkaas, Waxaana la rumaysanyahay inay ka mid ahaayeen, C/naasir Axmed Buuni, oo ahaa shaqsiga kor ka hagayey qaraxa ismiidaaminta ah, wuxuuna hada ku suganyahay magaalada Boorame.”

Sidaas ayay dawladda Somaliya ku tidhi warsaxaafadeedkeeda.

Dawladda Somaliland ayaan ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin in naftii haligaha qaraxa fuliyay uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Somaliland iyo weliba eedda hore ee ay dawladda Somaliya u jeedisay Mr. Buuni oo isna degen Borama.