“Dawlada Iyo Komishanka Ayaan Daacad Ka Ahayn Doorashooyinku Inay Dhacaan”

3
1299

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in Xisbiga Waddani, aanu qayb ka ahayn dib u dhaca Doorashada, balse ay Xukuumadda iyo Komishanku masuul ka yihiin, waxaanu sheegay in aanay riabin inay Doorasho dhacdo.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Xeerka Doorashada Wakiilada, waxaanu tilmaamay in ilaa hadda aanay Xukuumaddu diyaarin Xeerkii Doorashada ee Wakiilada, balse isagoo qoraal ah ay u soo gudbisay Golaha, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Xisbiga Waddani, wax uu doorasho ka jecel yahay ma jirto, wax alaale iyo wax uu diidayna ma jirto, laakiin wax alaale iyo wixii khalad ah ee la sheego ee la arko haddii la yidhaahdo Wadddani baa diidan waa khalad, Xisbiga Waddani wuxuu u arkay Komishankan maanta jooga in aanu ahayn Komishan daacad ah, aniguna waxaan u arkaa Komishankan in aanay daacad ahayn una dhawayn daacadnimo, Xisbiguna xaq buu u leeyahay inuu yidhaahdo Komishan daacad ah inuu sameeya, Doorashooyinka Wakiilada iyo Golayaasha Deegaankaba, waxaa loogu tagalay in aanay dhicin, Siyaasadna waa laga leeyahay, Doorashooyinka qabsoomideedna waxaa laga rabaa laba qolo oo qudha, waa Dawladda iyo Komishanka Doorashooyinka, balse waxaa halkaas ma muuqato sheeko la isla og yahay, oo ah qawda maqashii, waxna ha u qaban, Wadamada Deeq bixiyayaashuna caqli bay leeyihiin, lama khiyaamayn karo, lacagtoodana inay meel cidlo ah ku tuuran diyaar uma aha, Doorashooyin aan dhacayna lacag ku bixin mayaan, Dawladda iyo Komishanka ayaan daacad ka ahayn Doorashooyinku inay dhacaan, ee waxba yaan ku marmarsoon Xisbiga Waddani”.

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Xeerka Doorashada diyaarintiisa waxaa laga rabaa Dawladda, weyna soo dhigtay, waxayna soo dhigtay waxaan la diyaarin karin, wixii la rabay in la diyaariyo, may soo dhigin, waxay yidhaahdeen Kooto dumarka ha loo xidho, waxay yidhaahdeen Goboladii dib ha loogu noqdo, waxay yidhaahdeen Dastuurka ha la furo, waana shaqadii Xukuumadda, oo Barlamaanku marka loo keeno ayey iyagu ka doodaan, dibna u eegan, waajibkoodana ka gutaan, Dastuurkii lama furin, ee isagoo qoraal qudha ah ayey noo keeneen, wax laga qabtayna ma jiro”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here