Dawada Hurdo Xumadu Waa In Aad Hareer Seexato Lamaanahaaga, Hurdada Qadada Kadibna Haddii Ay 40 Daqiiqo Ka Badato Waxa Ay Keenta Cudurro Tiro Badan

0
845

1Istanbul (Geeska)- Culimo isugu jira Maraykan iyo Turki ayaa cilmibaadhis ay sameeyeen ku ogaaday mid ka mid ah hababka ay suurtogal tahay in uu qofku kaga dheeraado hurdo la’aanta iyo ama hurdo xumada iyo hurdo yaraanta. Natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika afsoomaaliga u rogay oo lagu baahiyey Majaladda arrimaha cilmiga ka faalloota ee Social Persoality and Psychological Science ayaa ay xeeldheerayaashu ku sheegeen in; Qofka oo habeenkii hareer seexda lammaanihiisa (Xaaskiisa/Saygeeda)  oo ah qof naxariis iyo kalgacayl badan uu seexdo hurdo dheer oo weliba laga yaabo in aanu baraarug kala googoyn.

Khubaradu waxa ay sheegeen in sababta ugu weyn ee arrintan keenaysaa ay tahay qofka oo nafsad ahaan u dareemaya ammaan iyo xasilooni uu ku beerayo qofka hareer hurdaa. Emri Saljuuq oo ka tirsan jaamacadda Bariga Dhexe ee tiknoolajiyadda oo xarunteedu tahay magaalada Ankara ee dalka Turkey kana mid ahaa xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey ayaa isaga oo sharraxaya qodobkan waxaa hadalkiisa ka mid ahaa, “Natiijada aanu gaadhnay, waxa ay tilmaamaysaa in qofku marka uu hareer hurdo lammaanihiisa oo uu u dhexeeyo kalgacal, iyo naxariis ay yar tahayba in uu dareemo warwar iyo culays nafsi ah, waana taas sababta ay hurdadu u fiicnaanayso”

Culimadu intii ay cilmibaadhistan wadeen waxa ay dib u eegis iyo baadhis dambe ku sameeyeen dhukumantiyada laga sameeyey mashruuc Maraykanku dalkiisa ku caawiyo ee lagu magacaabo, “Midlife Development” sidoo kale waxa ay cilmibaadhayaashu dib u eegeen tiro tirokoobyo cilmiya ah oo laga sameeyey nooca nololeed iyo arrimaha raadaynta ku yeelan kara, iyo sida ay u wada  socdaan bisaylka maskaxeed iyo qaangaadhnimada qofka iyo hadba da’da uu marayo.

Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in dhakhaatiir Maraykan ah oo iyaguna cilmibaadhis dheer sameeyey ay xaqiijiyeen in hurdada duhurka dabadii (Qadada kadib) haddii ay ka dheeraato 40 daqiiqo ay suurtogal tahay in ay khatar ku noqoto caafimaadka qofka. Khubarada oo ka hadlayey sababta ay dhibaatadaas caafimaad u keenayso hurdada maalintii ee waqtiga badan ahi waxa ay sheegeen in haddii ay 40 daqiiqo ka badato ay si weyn u kordhiso suurtogalnimada in qofka ay ku dhacaan xauunnada la xidhiidha khalkhalkha ku dhaca dheefshiidka, waxa aana ka dhasha dhiigkar, Kalastaroolka oo dhiigga ku bata, dhumucda unugyada dufanka (Xaydha) ee wareegga caloosha oo krodha, iyo macaanka oo dhiigga ku bata.