Hargeysa (Geeska)- Si kasta oo cilmiga aadamuhu horumar uga gaadho cilmiga uu ka kasbanayo dugsiga iyo jaamacadda, ama ka korodhsanayo wax akhriska iyo cilmiga dhegood, haddana waxaa jira arrimo mararka qaarkood uu aamino oo aanu cilmigaasi maskaxdiisa ka saari karin xitaa mararka qaarkood isaga oo dareensan in ay qaldantahay ama aan la hubin.
Aaminsanaanta noocan ah waxaa ka mid ah, in dad badani u haystaan in dareeraha ka da’a hilibka marka la karinayo ama la googoynayaa uu yahay dhiig. Halka cilmi ahaanna xaqiiqadu tahay in uu darerahaasi yahay keliya biyo ay ku jirto barootiinta Hemoglobin oo ah ka ogsajiinta iyo xadiidka ku negeeya muruqyada. Sidaa waxaa lagu sheegay daraasad uu Geeska Afrika turjumay oo dhowaan lagu baahiyey shabakadda wararka ee Alcarabiya.
Barootiinta Hemoglobin oo sida aynu xusnay ay shaqadiisa ugu weyni tahay in uu muruqyada noolaha ku quudiyo isla markaana ku negeeyo Ogsajiinta ayaa midabkiisu uu casaan noqdaan marka ay hawadu taabato, waana sababta marka uu ka hoorayo hilibka la jarjarayo uu casaanka dhiigga la moodo u yahay. Barootiinkani marka uu dabka galena waxa uu midabkiisu isu beddelaa madow, taas oo ah sababta marka hilibku uu caydhin yahay casaan u yahay, marka la kariyana midab madow xiga u yahay.
Waxa ay khubaradu sheegeen in casaanka mararka qaarkood qofku ku arkayo hilibka uu cunayo aanu u qaadan dhiig ay tahay in aanu cuni karin, balse ay tahay uun midabkii Hemoglobin ta oo aan is beddelin sababtuna tahay dabka lagu kariyey oo xaraaraddiisu aanay aad u badnayn. Haddii xoog loo karin lahaana isla maadaddani iyada oo midabkii uun bunni noqday ayaa ay ka mid noqotaa maraqa.