Danjire Nicholas Kay Oo Booqasho Ku Tagay Cisbitaalka Iyo Jaamacada Edna

0
528

Picture2Hargeysa(Geeska)-Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa khamiistii booqasho ku tagay xarunta Edna Aden ee isugu jirta cisbitaalka iyo Jaamacadda.

 

Ergaygani oo safar maalin qaatay ku yimid Hargeysa khamiistii, ayaa ka sokow kulamada uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, waxa kale oo uu booqasho ku tagay xarunta Edna Aden, waxaanu kormeeray Jaamacadda Edna iyo qaybaha kale ee uu cisbitaalku ka koobanyahay. Wxaana warbixin siisay Marwo Rooda Cali Axmed, oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Edna Aden Unniversity, waxaanay uga xogwarantay sida ay u shaqeeyaan Jaamacadda Edna iyo cisbitaalkuba, hay’adaha gacanta ka gaysta iyo xaaladaha kala duwan ee ku xeeran.  Danjire Kay, waxa kale oo uu la kulmay ardayda Jaamacadda Edna oo wakhtigaas ku gudo jiray waxbarashadooda, isagoo sidoo kalena booqday dhammaan qaybaha cisbitaalku ka koobanyahay.

Mr. Kay, ayaa guud ahaan bahda Edna Aden, wuxuu uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen iyo dedaalka ay dalkooda gelinayaan, waxaanu intaas raaciyay inuu ku faraxsanyahay booqashada Edna Aden xarunteeda.