Dallada NAFIS Oo Qabatay Shir Lagaga Hadlay Halista FGM-ka

0
635

Picture4Dalada Nafis Network ee ka shaqaysa la dagaalanka gudniinka halabaha, gaar ahaana gudniinka Fircooniga ah ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay shir qaran oo lagaga hadlaayey khatarta uu hablaha u leeyahay gudniinka Fircooniga ah.

Shirkan oo ka socday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay ururada bulshada oo kal kala yimi gobolada dalka, waxaana xidhitaankiisii laga soo saary war murtiyeeda lagu faah fahiyey qodobadii loo arkaayey muhiimka.

War-muritiyeedkan ayaa lagu yidhi “Isku xidhka la dagaanka gudniinka hablaha ee NAFIS Network wuxuu soo qaban-qaabiyay shir heer qaran ah oo labo maalmood soconaayay lagagana hadlaayay gudniinka hablaha, maxaa laga qabtay? maxaa caqabad ah ee jira iyo wixii lagu xallin karo in lagu qiimeeyo laguna lafa guro.

 

Shirkaas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan Gobolada Somaliland oo ay metelayeen inta badan ururada iyo Hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahaynba ee ka shaqeeya la dagaalanka gudniinka Hablaha.

 

Wadanka Somaliland wuxuu ka mid yahay Waddamada sida weyn looga isticmaalo gudniinka Hablaha, waxaa lagu qiyaasaa in 90% dumarka Somaliland la gudo weliba noocyada khatarta ah. Gudniinka habluhu wuxuu leeyahay dhibaato caafimaad mid bulsho iyo mid maskexeed oo daba socota hooyada maalinta la gudo illaa nolosheeda oo dhan.

 

CAQABADAHA HORTAAGAN IN LA CIDHIBTIRO GUDNIINKA HABLAHA:

Gudniinka Habluhu waa caado dhaqameed duug ah oo muddo dheer la isticmaalaayay ayna adag tahay in si fudud looga tago iyo bulshada oo aan si fiican u fahmin dhibaatadiisa caafimaad, bulsho iyo maskexeed ee joogtada ah.

 

Ma jiro sharci mamnoocaaya gudniinka Hablaha taasina waxay caqabadku tahay cidhibtirka caadadan waxyeelada leh.

Gudniinka Hablaha waxaa dad badan u aaminsanyihiin inuu yahay waajibaad sharci oo ay innagu waajibisay diinteena Islaamku iyo inuu yahay caado dhaqameed wanaagsan oo ilaalinaysa dhawr soonaanta iyo bikirnimada innanta iwm.

 

Culimada qaar ayaa daliishanaaya axaaddiis lagu muransan yahay darajadooda oo ay ku waajib yeelayaan gudniinka Hablaha, taasina waxay caqabad ku tahay in wax laga qabto caadadan.

Wacyigelinta oo aan inta badan gaadhin meelaha miyiga/reer guuraaga ah ee ka durugsan magaalooyinka waaweyn.

Aqoonta dumarka ee dhinaca xuquuqdooda shari oo aad u hoosaysa ayaa iyana qayb ka ah sii socoshada gudniinka Hablaha

SOO JEEDIN/BAAQ

Gaba-gabadii Kulanku wuxuu ugu baaqayaa dhamaan cid kasta oo ay khusayso sida Dawlada, Culimada Diinta, hogaamiya yaasha bulshada, waalidiinta iyo u dhaq-dhaqaaqayaasha xuquuqda bulshada inay meel ugasoo wada jeestaan dhibaatadan, waxayna soo jeedinayaan qodobadan hoos ku qoran ay u arkeen kasoo qaybgalayaasha shirku inay u mudanyihiin jooyinta gudniinka Hablaha ee wadanka Somaliland.

 

Waa in loo aqoonsadaa gudniinka habluhu inuu yahay dhibaato qaran oo xadgudub cad ku ah xuquuqda Hablaha/dumarka ay u damaanad qaaday  diinteena Islaamku, ee ah inaan la dhaawicin xubnohoooda taranka, sharaftooda iyo dhaqaalahooda toona.

 

 Waa in la meel mariyaa siyaasadda qaran ee gudniinka Hablaha ee ay gadh-wadeenka ka tahay Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland oo ay masuuliyaddeeda koowaad qaataan Golaha wasiirada Somaliland, si jaho loogu helo dadaalada ay wadaan daneeyayaasha kala duwan.

 

Waa in la helo sharci mamnuucaaya gudniinka hablaha oo ay meel mariyeen Golaha sharci dejinta Somaliland si loogu ciqaabo cidkasta oo ku xadgudubta xuquuqda Hablaha.

 Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland waa in ay dadaal adag ka gashaa in la mideeyo aragtida culimada Islaamka ee ku aadan gudniinka Hablaha.

Waa loo soo jeedinayaa in ururada ku hawlan wax ka qabashada iyo wacyigelinta gudniinka Habluhu ay shaqooyinkooda u fidiyaan meelaha miyiga ah ee ka durugsan magaalooyinka waaweyn, halkaas oo wacyigelintu ay aad u hoosayso.

7

NAFIS NETWORK
HARGIESA-SOMALILAND