Jid Kale Ayaan U Furnayn Guddoomiye Muuse Biixi

0
621

Picture3

Geeska Afrika staff writer

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu cadeeyay in tartankii murashaxnimo ee xisbiga KULMIYE uu uga tanaasulay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo doorashada dambe.

Sida muuqata go’aankan uu Mudane Biixi qaatay oo aynu ku tilmaami karno in uu ahaa laba daran mid dooro, ayaa ahaa jidka keliya ee u furan haddii uu doonayo in uu tareenka siyaasadda u sii fuushanaado si muuqata. Waxaa jira siyaasiyiin ay isku beel yihiin  oo uu loollan adagi u dhexeeyo, kuwaas oo awoodo is ceshanaya ay ku dhex leeyihiin beesha isla markaana aanu dhayalsan karin awoodda ay ku dhex leeyihiin xisbiga. Siyaasiyiintaasi marka hore waxa ay raaceen garabkii madaxweyne Siilaanyo ee ka soo horjeeday Muuse Biixi, dhaawac badan ayaanay gaadhsiiyeen guddoomiye Muuse Biixi, haddii ay dhici lahayd sida ay dadka qaar aaminsanaayeen ee ahaa in Muuse dhaqso isu casilo, waxaa muuqata in ay taasi fursad dahabi ah u noqon lahayd siyaasiyiintaas oo guul aan dhibi ka soo gaadhin kula wareegi lahaa hoggaanka siyaasadeed ee beesha isla markaana ay suurtogal ahayd in ay xisbiga qudhiisa iyagu gacanta ku dhigi lahaayeen, taas oo haddii ay dhacdo noqon lahayd dhammaadka runta ah ee hayaanka siyaasadeed ee Muuse Biixi muddada dheer ku soo jiray.

Talaabada kale waxa ay ahayd in uu sii wado loollankii u dhexeeyey isaga iyo madaxweyne Siilaanyo oo xisbiga dhexdiisa ku leh awood aad u badan, taas oo marka lala akhriyo xalkii Guurtidu khilaafka xisbiga ku soo afjartay keeni lahayd in Muuse uu xisbiga dhexdiisa ka noqdo astaan ama aynu nidhaahno guddoonshe oo aan ahayn guddoomiye, waxa aanu kursiga ku fadhiyi lahaa isaga oo aan hal habeen ku ladin, dagaal joogto ah oo siyaasi ahna aan ka nasan, haddii aanay dhicinba in xilka laga qaado oo uu ka baxo kadinka siyaasadda.

Haddii ay sax tahay in dariiqan uu Guddoomiye Muuse Biixi maray ahaa kan keliya ee u furan, kan ugu qodaxda yar dariiqyada u furan, taas macnaheedu noqon maayo in uu yahay kii saxda ahaa, dad badan ayaana dooddoodu tahay in ugu yaraan waqtiga uu go’aanka qaatay aanu ahayn kii ku haboonaa.

Guddoomiye Biixi wuxuu go’aankan tanaasulka qaatay wakhti aan ku haboonayn, ama aynu odhna karno waxa uu ahaa go’aan aanu u sii diyaar garoobin, tusaale ahaan markii ay guurtidu ku dhawaaqaysay go’aanka ay ka gaadhay khilafka Kulmiye, in kasta oo uu guddoomiye Muuse Biixi aqbalay haddana niyaad samaan ma’ uu muujin, waxaanu ku tiraabay ereyo caddaynaya in uu gar-leexsan tirsanayo, taasina waxay aad u kicisay dareenka taageerayaashiisa oo ay xaraaradoodu meel sare gaadhay, kalliftayna in ay qabsadaan kulamo waaweyn oo saamayn ku yeeshay dalka, waxa aanay jeediyeen khudbado xaasaasi ah. Dad badan ayaa aaminay in maadaama oo aanu Md. Biixi marna isku dayin dejinta taageerayaashiisa ay taasi caddaynayso in uu uu raali ka yahay sida ay wax u socdeen, marka sidaas loo eegana lagama filayn go’aankan kediska ah ee uu habeen hore qaatay, oo dad badani u arkeen in uu taageerayaashaas ku wacad furay.

Waxaa suurtogal ah in Md. Biixi uu dhinacyo aan hadda inoo muuqan uu go’aankiisan ku dhisay. Laakiin waxa ay ahayd in uu qaato maalmihii hore ee aanay arrintu fogaanin. Haddiiba uu waqtigan oo goor dambe ah qaadanayana waxa ay ku qurux badnayd in ku dhawaaqida go’aanka ka hor uu kulamo la yeesho taageerayaashiisa, lana wadaago go’aankiisa qaybaha kala duwan ee taageerayaashiisa oo ay qaar badan oo ka mid ahi dartii u galeen godobo badan oo siyaasi ah, si uu ugu qanciyo qaabka ugu fiican ee ay ugu yaraan ugu arki karaan in aanu ku wacad furin, si aanu  rayul-caamku ugu arag  in uu yahay siyaasi aanay taageerayaashiisu go’aamadiisa isku halayn karin, oo go’aankan qaatay xilli ay weli dartii  xabsiyada ugu jiraaan dad taageersanaa oo ay masuuliyiin xilal soo qabtay ku jiraan iyo weliba wasiir ka mid ahaa  wasiiradii ugu tunka weynaa golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo oo dartii xilka loga qaaday, marka ay sidaas tahay ee la is barbar dhigo go’aanka uu qaatay iyo dareenka taageerayaashiisa, Mudane Muuse Biixi waxa uu dhaawacay mustaqbalkiisa siyaasiga ah iyo kalsoonida lagu qabi karo mawqifyadiisa dambe iyo mabdi’iisa siyaasiga ah, waana ay adag tahay sida ay u soo noqoto niyada taageerayaasha Biixi, ee ay mar labaad u aaminaan Madaxweyne Siilaanyo. Si kastaba ha ahaato ee go’aanka uu Muuse qaatay waa mid aanay taageerayaashiisu la dhacsanayn, haddii laga tagi waayo uguma sacab tumayaan sidii ay shalay ugu sacabo tumeen go’aankiisii hore ee murashaxnimada oo uu taageero badan ku helay.