Dalkeena Somaliland: Uma Baahna Xasarad Abuur Iyo Fitnada Huruda Oo La Toosiyo

0
539

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa ay koox shufto ah oo hubaysani Salaasadii doraad qiyaastii meel 50km bari kaga beegan Berbera ku dileen, taliyihii Booliska gobalka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr), waxaanu dilkaasi abuuray dareen xaasaasi ah.

1

Bulshada Somaliland ayaa dareen isku mid ah kaga jawaabay dilkaas foosha xumaa, waxaanay bulshadu wax laga xumaado ku tilmaantay dilkaas oo uu noociisu yahay fitno cusub, iyagoo dawladda Somaliland ugu baaqay in gacanta lagu soo dhigo oo sharciga la mariyo ciddii dilkaas gaysatay.

Dilkaas foosha xun, ayaa wuxuu sababay mudaharaado ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland oo ay ugu muhiimsantahay magaalada Ceerigaabo oo ay dad gadoodsani mudaharaad ku sameeyeen, iyagoo jidadka dhigay dhagaxaan, taayirana ku gubay.

Waxa iyaguna jira dad reer Somaliland ah oo aad u kooban, kuwaas oo dareen caadifadeed kaga jawabaay dilkaas ay umadu ka wada xumaatay, islamarkaana ku tiraabay weedho xanaf leh oo colaad abuur ah.

Nebi Muxamed CSW wuxuu nacdalay cidda toosisa fitnada huruda. Cid kasta oo reer Somaliland ah, waxa waajib ku ah inay ka dheeraadaan inay ku tiraabaan amaba baahiyaan hadalo naxli abuur ah oo dab ku sii shidaya xaaladda taagan. Qof waliba waa inuu ka shaqeeyaa sidii uu biyo ugu shubi lahaa xiisada taagan, una qaboojin lahaa.

Umadda reer Somaliland waxay ka soo gudubtay xaalado colaadeed iyo kala qaybsanaan oo aad u adkaa, waxaanu qof waliba xasuusanyahay midhaha colaada iyo is aamin la’aantu ay leedahay, waxase lagaga soo gudbay dulqaad iyo in wixii xun dhinac looga soo wada jeesto.

Ma jirto cid reer Somaliland ah oo ay dani ugu jirto Somaliland oo kala qaybsanta, Somaliland oo colaado ka aloosmaan, Somaliland oo aano la isu beegsado. Qof kasta oo reer Somaliland ah waxay dani ugu jirtaa horumarka qaranka oo ku tisqaada nabadgelyo iyo wada noolaansho.

Alle haw naxariiste Marxuum Casayr, wuxuu ka dhintay qaranka Somaliland, wuxuu ka baxay ciidanka Booliska Somaliland, ma jirto cid gaar ah iyo deegaan gaar ah oo uu ka baxay, waana halyey ay ciidamada Somaliland in badan tabi doonaan.

Dadka faafinaya hadalada naxli abuurka ah, waxa waajib ku ah inay baahiyaan hadalo wanaagsan oo dadka isu soo dhawaynaya. Waa inaan la kala qaybin shacabka Somaliland ee meel uga soo wada jeestay kooxdaas shuftada ah, islamarkaana aan kooxdaas go’doonka ku jirta loo abuurin dad caadifad ku taageera.

Warbaahinta Somaliland, waxa iyagana looga fadhiyaa inay ilaaliyaan wada jirka umadda oo ay ka dheeraadaan inay faafiyaan hadalo aan ka soo maaxan maskax caafimaad qabta, waa inaanay xaaladda baatrool ku sii shubin. Warbaahitna waxa looga fadhiyaa inay xaaladan oo kale ka qaadato door dhinaca wanaagsan iyo isu soo dhawayn ah oo laga dheeraado baahinta hadal kasta oo xaaladda sii hurin kara.

Dawladda Somaliland, waxa iyadana waajib ku ah  inay gacanta ku soo dhigto dadkaas shuftada ah, islamarkaana waa inay dawladu shacabkeeda uga jawaabtaa sababta ay u daawanaysay mudada ay kooxdaasi hubka iyo saanada ku urursanayeen meel wax ka yara 100km u jirta magaalada Berbera.

Ugu dambayn, shacabka Somaliland waxa la gudboon inay ilaashadaan nabadooda iyo wada noolaanshahooda. Dadka reer Somaliland waa ul iyo diirkeeda, mana aha dad sinaba u kala maarmi kara. Waa in dawladda laga sugaa jawaabta ka soo baxda hawlgalka ay kooxdaas ku qaaday iyo sida sharciga loo mariyo.  Somaliland ma qaadi karto qalalaase, mana awoodo in dadkeedu kala qaybsanaan. Sidaas daraadeed qaranku uma baahna xasarad abuur iyo fitnada huruda oo toosiyo.