Dalka Czech Oo Lagu Daabacayo Turjumaadda Buuggii Qur’aanka Aflagaadeeyey Ee Salmaan Rushdi Iyo Sucuudiga Oo Cadho Ka Muujiyey

0
609

Picture3Prague (Geeska)- Masuul sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada Sucuudiga ayaa caddeeyey in wasaaraddiisu ay u yeedhay safiirka jamhuuriyadda Czech u fadhiya boqortooyada Sucuudiga si ay u weydiiso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta keentay in madbacadda  Paseka ee dalka Czech ay turjunto buugga “Aayadaha Shaydaanka” ee uu qoray Salmaan Rushdi.

Masuulkan ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudigu waxa uu sheegayin in boqortooyada Sucuudigu ay safiirka u dhiibtay dhalleecayn rasmi ah oo ku waajahan turjumidda buuggan iyo faafintiisa, maadaama oo uu aflagaadooyin badan kula kacayo diinta Islaamka iyo dadka muslimiinta ahba.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa lagus heegay in Sucuudigu uu si adag dalka Czech ugu caddeeyey mawqifkiisa ka soo horjeeda isku day kasta oo lagu tashuush gelinayo diinta Islaamka ee qumman, isla markaana ay boqortooyadu ku baaqaysaa in sideedaba laga dheeraado aflagaadaynta iyo xumaan u geysashada diimaha iyo dhaqannada bulshooyinka iyo dadka astaanta u ah.

Boqortooyada Sucuudigu waxa ay safiirka fartay in uu dawladdiisa gaadhsiiyo mawqifkaas iyo weliba codsiga boqortooyada oo ah in ay dawladda Czech qaddariso dareenkan Sucuudiga iyo Muslimiinta oo dhan kana shaqayso sidii loo joojin lahaa faafinta buuggan iyo turjumaddiisan cusub labadaba.

Salmaan Axmed Rushdi, oo dhashay sannadkii 1947kii asalkiisu waa Hindi ka soo jeeda dalka Koonfur Afrika, balse waxa uu haystaa jinsiyadda dalka Ingiriiska, sannadkii 1988kii ayaa uu qoray masraxiyad uu ku magacaabay, ‘Aayadaha Shaydaanka oo cadho badan ka abuurtay dunida Islaamka iyo guud ahaanba dadka aaminsan qaddarinta diimaha, kadib markii la arkay in uu Salmaan Rushdi si qaawan masraxiyaddan ugu aflagaadaynayo shakhsiyadda Nebi Muxammed (SCW), Aayado Qur’aanka ka mid ah iyo guud ahaanba diinta Islaamka. 

Sannadkii 1989kii ayaa wadaadkii ugu sarreeya Shiicada dalka Iiraan Aayatullaah Ruuxullaah Khumeyni uu soo saaray fatwo uu ku xalaalaynayo dhiigga Slamaan Rushdi, isla markaana lacag abaal marin ah u ballan qaadayo qof kasta oo dila. Arrintaas oo sababtay in dalka Ingiriisku uu ninkan u sameeyo ilaalo booliis oo Afar iyo Labaatanka saac iyo meel kasta oo uu joogo ah, iyada oo ay sidaas tahay haddana waxaa dhacay isku-dayo dil oo uu ka badbaaday, marar badan ayaanay diblumaasiyiinta reer galbeedku isku dayeen in dalka Iiraan ay ku cadaadiyaan in Fatwadaa laga nodo, laakiin taasi ma’ay suurtogelin maadaama oo wadaadkii kacaanka Islaamiga ah ee Iraan ee fatwadan lahaa uu geeriyooday, arrintuna ay aad xasaasi u tahay.

Salmaan Rushdi qudhiisu, sida magaciisaba ka muuqata waxa uu ka soo jeeda qoys muslim ah balse isagu waxa uu imika ku andacoodaa in aanu aaminsanayn diin iyo jiritaanka Alle (SWT).