Dalalka Khaliijka Oo Go’doomiyay Dalka Qatar Iyo Dunida Oo Ka Hadashay

0
573

Dalalka Saudi Arabia, Baxrain, Imaaraadka, Yemen iyo Masar, ayaa shalay ku dhawaaqay inay xdhiidhka diblomaasiyeed u jareen dalka Qatar, iyaga oo ku eedeeyey inuu taagero argagixisada.

Dalalkan ayaa midba si gooni ah ugu dhawaaqay tallaabadan, waxayna sheegeen inay shaqaalahooda diblomaasiyeed kala soo baxayaan Qatar, sidoo kalena ay jarayaan isu socodka hawada iyo badda ee kala dhaxeeya dalkaas.

Saudi Arabia oo sidoo kale hoggaamineysa isbaheysiga ka dagaalamaya dalka Yemen ee taageeraya dowladda dalkaas, ayaa sheegtay in ciidamada Qatar laga saari doono howlgalkaas.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay “Qatar waxay taageertaa kooxo argagixiso, kuwaas oo ujeedkoodu yahay inay xasilooni darro ka abuuraan gobolka, oo ay ku jiraan Daacish, Ikhwaanul Muslimiin iyo Al-Qacida”.

Wasaaradda arrimaha dibedda Qatar ayaa tallaabada dalalkan ku qeexday mid aan loo cudur daarin oo xadgudub ku ah madax banaanideeda.

Diyaaradda caanka ah ee Qatar ayaa shalay la kulantay saamayntii ugu weynayd, ka dib markii ay dalalkani ka mamnuuceen hawadeeda, iyadoo shalay isticmaashay hawada dalka Iiraan.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa bayaan ka soo saarey xiisadda, waxaana uu ugu baaqey dalalka Khaliijku in ay midowgoodi ahaadaan, oo khilaafka meel iska dhigaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa si lamid ah ugu baaqey wada hadal in dalalka Khaliijku furaan, laguna xaliyo xiisadda wada hadal ka hor inta aan cilaaqaadka la kala qaadaan.

Iran ayaa dhankeeda sheegtey in xiisdaani ay tahay mid aan wanaag ugu jirin bariga dhexe, waxaana la is weydiinayaa sida Iran uga faa’idaysan karto walaalka Khaliijku dhankeeda u soo tuureen.

Qatar ayaa la dareemayaa inay gashay qool diblomaasiyadeed. Dalalka Carabta gaar ahaan Imaaraadka ayaa muddo dheer la doonaayey Qatar dabinkan in ay ku dhacdo, waxaana dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ee Bariga DHexe sheegayaan in xiisadaani ay salka ku hayso, dhaqaale, siyaasad iyo tartan awoodeed. Dalalka Masar iyo Sucuudiga ayaa Qatar weli ugu ciil qaba sidii ay uga qayb-qaadatey kacdoonkii carabta ee lagu ridey qaar kamid ah Madaxdii dalalka Carabta.