Dalalka Dunida Oo Isha Ku Haya Doorashada Somaliland Iyo Murashaxa Guulaysta Oo Ay Garab Istaagi Doonaan Qorsheyaashiisa Cusub

0
906

Hargeysa(Geeska)-Dalalka caalamka ee xidhiidhada kala duwan la leh Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si weyn isha ugu haya doorashada madaxtooyada Somaliland ee qabsoomaysa November 13.

Dalalkan oo isugu jira kuwo reer galbeed ah oo taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo kuwo Afrikaan ah oo xidhiidho la leh Somaliland, ayaa waxay doorashadan u soo diri doonaan ergo caalami ah oo kormeerta, iyadoo ay madaxdooduna dusha kala soconayaan doorashada iyo qaabka ay u qabsoomi doonto.

Dalalka reer galbeedka ayaa xidhiidho ay la soo sameeyeen murashixiintani, waxay balan qaadeen in haddii doorashada madaxtooyadu ku dhammaato jawi nabadgeliyo oo xor iyo xalaal ah in ay kor u qaadi doonto sumcadda Somaliland, soona jiidi doonto maalgashi shisheeye iyo weliba inay dalalkani kor u qaadi doonaan dhaqaalaha ay siiyaan Somaliland, waxaanay murashixiinta ugu baaqeen inay ilaaliyaan nabadgelyada guud ee Somaliland.

Dalalka Afrikaan ah ayaa iyaguna balan qaaday inay kor u qaadi doonaan xidhiidhkooda Somaliland, marka la doorto madaxweyne cusub islamarkaana waxay dalalka Afrikaanka ahi u tartamayaan inay noqdaan kuwa u horeeya ee martiqaadyo rasmi ah u soo dira madaxweynaha cusub ee Somaliland dooran doonto.

Si kastaba ha ahaate, dalalkan ayaa aaminsan aragti midaysan oo ah in Somaliland  marka ay yeelato madaxweyne cusub ay ka bixi doonto xaalad kakan oo ay ku jirtay toddobadii sannadood ee u dambeeyay taas oo saamayn ku yeelatay xidhiidhada dibadda ee Somaliland.