Dahabshiil Oo Somaliland ka Hirgelisay Xarun Fulinaysa Sarrifka Lacagaha oo Jumlad ah

0
653

Picture4Hargeysa (Geeska)- Qaybta sarrifka aee shirkadda Dahabshiil Group, ayaa markii ugu horreysay ka hirgelisay dalka Jamhuuriydda Somaliland xarun fulinaysa adeeg cusub sarrifka lacagaha ah, gaar ahaan kuwa qalaad ee si wayn dunida looga isticmaalo.

Xaruntan oo qaybteeda kowaad laga furay badhtamaha suuqa sarrifka caasimadda Hargeysa, dhinaca galbeed ee huteelka Oriental-ka, waxay dadweynuhu ka heli karaan sarrifka noocyada kala duwan ee lacagaha inta badan laga isticmaalo wadammada adduunka oo jumlad ah, kaas oo aan hore uga jirin Somaliland oo ganacsatada iyo dadweynuhu u diri jireen dibadaha, isla markaana lagu sarrifayo nidaamka caalamiga ah ee kolba xaddiga lacaguhu ka joogaan suuqyada caalamka.

Madaxa Qaybta Sarrifka ee Dahabshiil Mr. Maxamed Saciid Cawaale oo faahfaahin ka bixiyey xaruntan iyo adeegyada u qabanayso macaamiishooda iyo guud ahaan bulshada Somaliland, ayaa waxa uu yidhi; “Adeeggan sarrifka jumladda ah oo aan hore dalka uga jirin, dadkuna baahi wayn u qabay, annagoo hore sarrifka lacagaha u samayn jirnay sida lacagaha gudaha iyo kuwa cashuuraha, iyadoo ilaalinta iyo siduu qiimo u yeelan lahaa shillinka dalka aannu kala qaybqaadanno Baanka Dhexe, markaa annaga oo danta dalka iyo dadkaba eegayna ayaanu soo kordhinay sarrifkan lacagaha ee jumladda ah oo macnaheedu yahay lacago badan qalaad (ajanebi) oo isku xidhan ee aan ahayn lacag yar yar, tusaale intii la doonaba way noqon kartaa laakiin $10 kun dollar iyo wixii ka badan oo kale ayaa la odhan karaa oo la doonayo in lacag kale loo beddelayo sida Sucuudi oo kale oo laga yaabo inay noqoto dhawr iyo soddon kun oo Riyaal.

Lacagaha aannu sarrifnayno waxa weeye baahida lacageed ee dalka taal oo dhan oo aannu ka sarrifayno xaddi kasta oo dadku doonayo. Adeeggan oo loo fududeeyey sarriflayaasha iyo macaamiisha lacagaha qalaad ee xaddiga badan sita cadad kasta iyo cayn kasta, waxa uu u kala qaybsamaa laba qaybood oo kala ah; midka lacagaha jumladda kaashka ah si toos ah la isugu beddelo iyo mid nidaamka casriga ah ee loo yaqaan iibka lacagaha ee dhinaca tiknoolajiga (Online Currency Sales) lagu kala iibsado iyadoo la isticmaalayo baananka.”

Waxa kale oo uu ka warramay faa’iidooyinka laga helayo xaruntan sarrifka lacagaha jumladda ah oo uu sheegay in aanay shirkaddu u furan si ay uga faa’iido oo keliya, balse ay ku timi baahida dadka iyo dalkuba u qabo, isagoo xusay in xaruntani wadayso hawlihii kale ee sarrifka caadiga iyo adeegyada xawaaladda oo ku lammaan sida lacag qaadashada, qabashada iyo diristaba.

“Sarrifkan jumladdu waxa uu soo kordhinayaa wax badan oo waxa lagaga baxayaa dhibaato hore u taalay oo dadka, gaar ahaan sarriflayaashu inta ay lacagta muddo dhan ururiyaan ayaa waxay u diri jireen Dubai ama meelo kale oo adduunka ka mid ah si loogu soo sarrifo, markaa lacagtaa la diriyey halkeedii annaga ayaa fadhiisinay oo baahi uma qabo qofku inuu iminka dibadda u diro, annaga ayaa iibsanayna oo qiimihii suuqyada caalamka sida Dubai oo kale ku iibsanayna. Sidaa darteed hawshaa dadku galayey ee lacagtu ka galaysay ee khatarta ku ahayd lacagtooda waxa hadda u fududaysay shirkadda Dahabshiil u sarrifaysa,” ayuu yidhi Mr. Cawaale.

Mr. Cawaale waxa uu tilmaamay in adeegga sarrifka lacagaha ee Dahabshiil oo la kowsaday nidaamka xawaaladda ee shirkadda oo bilaabmay sannadihii toddobaadtaneeyadii, balse qaybta sarrifka oo si rasmi ah iskeed loogu madaxbannaaneeyey muddo toban sanno ah ka hor ay noqotay adeegga sarrif ee ugu ballaadhan dhammaan goobaha Soomaalidu joogto ee uu ka hirgalay sida Somaliland, Soomaaliya, Puntland, Djibouti, Dubai iyo Ingiriiska.

“Shirkadda Dahabshiil waxay adeegsataa nidaamyada casriga ah ee sarriflayaasha caalamku adeegsadaan ee ka jira sayladaha sarrifka adduunka, sida qiimayaasha lacagaha ee Platforms-ka iyo shabakadaha caanka ku ah qiimayaasha lacagaha ee isbeddelada iyo kuwa joogtada ahba,” ayuu yidhi Madaxa Qaybta Sarrifka ee Shirkadda Dahabshiil.