Dahabshiil Bank Oo Shaqaalihiisa U Qabtay Tababar Ku Saabsan Horumarinta Baananka

0
694

Hargeysa (Geeska)-Dahabshiil Bank ayaa u qabtay 35 ka mid ah shaqaalihiisa, Somaliland, Somaliya iyo maamulka Puntlan tababar ku saabsan nidaamka iyo horumarka ay ku shaqeeyaan Bangiyada Islaamku, waxaana Tababarkan qabtay Shirkada Caalamiga ah ee Al-macaali Group.

wwwwwwwww

Tababarkan oo muddo Saddex cisho u socday 35-shaqaale oo ka tirsan Dahabshiil Bank, isla markaana ka kala socday Somaliland, Somaliya iyo Puntland, ayaa waxa Shalay lagu soo gaba gabeeyey Mansoor Hotel.

Munaasibadii xidhitaanka oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka socda Dahabshiil Group, Madax ka socda Shirkada Al-macaali iyo Shaqaalihii tababarka qaadanaayey.

Madaxa maalgelinta Dahabshiil Bank Cabdixakiin Maxamed Ismaaciil oo isagu ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu u ka waramay qiimaha iyo faa'iidada uu leeyahay Tababarkani, waxaanu u mahadnaqay Shirkada Tababarkan bixinaysay ee Al-macaali, oo uu sheegay inay wax badan ka tartay, waxaanu tilmaamay in mar walba Dahabshiil Bank uu ku shaqeeyo nidaamka Islaamka ee dhinaca baananka.

Cabdilaahi Nuur Aw Diini oo ah Wakiilka Dahabshiil Bank ee Muqdisho, Maxamed Cabdi Ismaaciil oo ah Wakiilka Dahabshiil Baank ee Bosaaso, Cabdiqani Cabdilaahi Guuleed iyo Hodan Cali oo dhammaantood ah ka qeyb galayaasha Tababarkan qaadanaayey, ayaa ka warbixiyey qiimaha uu tababarkani u lahaa, waxaanu sheegeen inay ku dabaqi doonaan hawlahooda shaqo, waxayna si gaar ah ugu mahadceliyeen Shirkada Al-macaali.

Dr Ismaaciil Aadan Ciidle oo ah khabiir ku xeel dheer cilmiga Baananka muddo aad u dheerna ku soo jiray, kana tirsan Shirkada Al-macaali, ayaa waxa uu ka warbixiyey qiimaha uu leeyahay nidaamka shaqo ee Islaamka ee dhinaca Baananka, waxaanu sheegay inuu wadamo badan uu soo maray, isla markaanka nidaamka Baananka ee Islaamku inuu yahay nidaamka ugu wanaagsan.

Dr Cadif Al-shacraawi oo isna ah masuuliyiinta Shirkada Al-macaali, oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa dardaaran iyo dhiirigelin u soo jeediyey ka qayb galayaashii Tababarkan, waxaanu kula dardaarmay inay mar walba hawlahooda shaqo ku dabaqaan duruustii ay ka qaataan Tababarkan.

Maxamed Siciid Cawaale oo isna ka tirsan Masuuliyiinta Shirkada Dahabshiil, isla markaana ku hadlaayey magaca Shirkada Dahabshiil Group, oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in mar walba Shirkada Dahabshiil Group, ku shaqeeyso nidaamka islaamka, mar walba heegan u yihiin bulshada iyo macaamiishooda, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Shirkada Al-macaali, oo uu ugu mahadceliyey Tababarkan ay u fidisay Shaqaalaha Dahabshiil Bank.

Ugu dambeyntiina waxa Shahaadooyin halkaas lagu gudoonsiiyey Shaqaalihii kala duwanaa ee Tababarkaas ka qeyb qaatay.