Israa’iil sidaas oo kale ayaa ay ahayd oo iyada ayaa dagaalka hurisay, isla markaana leh sababta marka horeba seeska u ah colaadda, waayo waxa ay xoog ku haysata dhul aanay lahayn, marka labaadna waxa ay aad u suuqgeysay oo dunida oo dhan ay ka iibisay in ay tahay quwad ka jirta gobolka bariga dhexe, dhaqaale ahaan iyo miilateri ahaanba, waxaa intaas dheer dadka Yuhuudda oo sida aynu soo sheegnay aan tiro badnayn, qoys ahaanna u dhisan, taasina ay keenayso in xanuunka khasaaruhu sii xooggan u gaadho qoys kasta, arrimahaas iyo kuwo la mid ah oo la isku daray ayaa Yuhuudda ku qasbaya in khasaaraheeda ay intii awooddeeda ah daahsaarto, tirada iyo xaddiga uu leeyahayna aanay warbaahinta dibadda u ogolaan inay ogaato, iyada oo ay sidaas tahay, haddana doorkan khasaaraha dagaalka Qaza waxa uu gaadhay heer ay wax badan qarin kari weydo ama masuuliyiinta kala duwan, aqoonyahanka iyo rayidka caadiga ahiba si isku mid ah uga hadlaan xanuunka, laakiin arrinta is weydiinta leh ee aynu eegaynaa waa sababta ay Israa’iil u malaynayso in ay ku keentay guul darrada dagaalka Qaza ka soo gaadhay .
Waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa taliyihii hore ee MOSSAD (Sirdoonka dibadda ee Israa’iil) Danny Yatom ayaa si badheedh ah u qiray in ciidamada Israa’iil aanay xog sugan iyo macluumaad sax ah oo sirdoon ka haynin Marinka Qaza, taasina ay sabab u tahay in ay beegsan kari la’ yihiin meelaha laga soo rido gantaalaha, iyo in ay xaddidaan goobaha muhiimka ah ee ay tahay in ay ka beegsadaan Qaza, arrintaas oo muujinaysa sida ay Israa’iil ugu fashilantay in ay xogta muhiimka ah ka hesho Qaza. Danny Yatom waxa uu sheegay in sirdoonka kala duwan ee Israa’iil ay u suurtogeli weyday in ay basaasiin tayo leh ku dhex beeraan Qaza si ay xog uga helaan kooxaha wax iska-caabbinta ee Falastiiniyiinta, sababta ugu weynina ay tahay cabsi ay basaasiintu ka qabaan in ay gacanta ku dhigaan Falastiiniyiintu, gaar ahaan Xamaas oo la hubo in basaaska ay qabtaan ay dhaqso u dilayaan. Yatom waxa uu caddeeyey in Israa’iil ay ku guul-darraysatay dagaalka Qaza waxa aanu sababta ku sheegayaa xog la’aantaas.
Taliye sare oo ka tirsan ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa isna intii uu dagaalka Qaza socday waxa uu wargeyska Yadicoot Axranoot u sheegay in ay dagaalkan galeen iyaga oo aan wax macluumaad ah ka haynin xarumaha kaydka gantaalaha ee Qaza, “Waxma ma’ ogin, mana awoodno in aanu weerarno waxa aanu ognahay…” ayaa uu sarkaalkani ku yidhi waraysiga uu siiyey wargeyskan. Arrimaha xaqiijinaya in Israa’iil ay dagaalkan xog la’aan ku gashay waxaa ka mid ahaa, in Israa’iil ay dagaalku markii uu bilowday uun ku baraarugtay in Falastiiniyiintu ay haystaan gantaalaha M-302, oo weliba ay khubarada Falastiiniyiinta ee Qaza awood u leeyihiin in ay gudaha Qaza ku sameeyaan gantaalahan kuwo u dhigma.
Warbaahinta iyo rayul-caamka Yuhuuddu jabkooda waa ay qireen:
Warbaahinta Israa’iil waxa ay si aad ah uga sinnayd in ay wax ka qorto natiijada ka dhalanaysay weerarrada Israa’iil ku qaadaysay Qaza, iyada oo weliba si gaar ah xoogga u saaraysay khasaaraha soo gaadhayey dhinaca Yuhuudda, sidoo kale qaar ka mid ah ayaa baahiyey natiijada rayi ururinno ay sameeyeen oo muujinaya in dadka Israa’iil badankoodu ay u arkayeen in milaterigoodu aanu ku guulaysan dagaalka. Tusaale ahaan rayi-ururin uu sameeyey wargeyska caanka ah ee Yadicoot Axranoot ayaa muujisay in boqolkiiba 28 Israa’iiliyiinta ka mid ahi ay aaminsan yihiin in ururka Xamaas uu ciidankooda kaga adkaaday dagaalka Qaza, boqolkiiba 21 waxa ay aaminsan yihiin in ciidankoodu dagaalkan ku guulaystay, halka boqolkiiba 45 ka mid ahina ay aaminsan yihiin in guushu aanay dhinacna raacin. Sarkaal hore uga tirsanaan jiray Hayadda Shabbak ee sirdoonka Israa’iil oo ahaa ninkii masuulka ka ahaa isku day dil oo Israa’iil ay doontay in ay ku khaarajiso taliyaha ciidamada Cizuddiin Qassaam oo ah garabka hubaysan ee Xamaas, isla markaana ku lug lahaa dilal hore loogu khaarajiyey masuuliyiin badan oo Xamaas ka tirsan, ayaa mar uu la hadlay wargeyska Yadicoot Axranoot waxa uu aad uga calool weydsan yahay in ay Israa’iil guul ka gaadhi karto dagaalka Qaza ee hadda iyo kadibba, isaga oo niyad jabkiisa arrintaas la xidhiidha ka hadlayana waxa uu yidhi, “Mar kasta waxaa soo baxay madax cusub, mar kasta oo dagaal dhacana waxa ay naga yaabiyaan, waxaa nagu dhacaya gantaalaha Qasaam, waxa ay sameeyeen godad hoose oo ay ka qodeen ciidamadayada hoostooda iyo saldhigyadayada milateriga (Si ay uga soo dhex baxaan, ama u daba marteeyaan Yuhuudda), markii hore ee aanu iskaga soo baxnay Qaza waxa ay bilaabeen kuwo is qarxinaya, markaasaanu samaynay gidaar aanay noo soo dhaafi karin, haddana waxaa yimi gantaalahan, markaasaanu haddana samaynay nidaamka difaaca gantaalaha ee Koofiyadda Birta ah, haddana waxa ay bilaabeen godadkan, marka aanu godadkan imika burburinana waxa ay bilaabi doonaan diyaarado yaryar oo aan duuliye lahayn oo walxa qarxa laga soo buuxiyey, ama wax kale ayaa ay ikhtiraaci doonaan, marka aan soo koobo, xalku Qaza gudaheeda ma yaallo ee waxa uu yaalla dibaddeeda”
Maxaa guul darrada innagu keenay?
Qoraaga Yuhuudiga ah ee Isxaaq Bin Nar ayaa maqaal uu baahiyey wargeyska Macaariif (Xigasho: Aljazeera) waxa uu cinwaan uga dhigay, “Maxaynu u guulaysan weynay?” isaga oo su’aashaas ka jawaabayana waxa uu yidhi, “Waxaa ii muuqata oo aniga aad uga murugaysan aan sheegayaa in dagaalka Qaza aynu kaga jirno oo ah mid cadaalad ah, aynaan ku guulaysanayn. Iyada oo sida horeba la isugu waafaqay aynu ka bixi doonno dagaalkaas innaga oo ka xikmad iyo xaq yar sidii aynu ku galnay, iyada oo ay sidaas tahay haddana waxa aynu dagaalkan ku weynay 64 askar iyo saraakiil ciidan ah iyo dad rayid ahba, ”La soco…