Dadweynaha Gabiley Oo Si Diiran U Soo Dhaweeyay Cabdiraxmaan-Cirro

0
504

Gabiley(Geeska)-Dadweynaha reer Gabiley ayaa shalay si diiran u soo dhaweeyay weftiga SAMA-WADE ee uu hoggaaminaayo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

gabiley1

Weftigan oo guddoomiye Cirro, ay ku wehelinaayeen guddoomiye xigeenka xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed, Taliye Jidhif, Axmed X.Cabdillaahi Xamare, Aadan Ruush, xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga WADDANI iyo  madax kale oo aad u tira badan, ayaa shacabka reer Gabiley waxa ay ku maamuuseen kuna soo dhaweeyeen roogga cas ee astaanta u ah xurmaynta iyo sharfidda madaxda caalamka oo idil, iyaga oo sida oo kalena ku dhawaaqayey erayo tolmoon oo muujinaaya sida ay uga go’an tahay in ay rumeeyaan rejadooda isbedel isla mar ahaantaana aanay muddo dheer oo dambe ku sii lumin karin xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

Taageerayaashan oo ahaa kuwo iskood isku soo abaabulay isla mar ahaantaana ahaa kuwo xamaasadaysan oo ay ka muuqatay sida ay diyaaarka ugu yihiin isbedel toon oo ay hormuud u noqdaan, ayaa waxa ay sida oo kale weftiga guddoomiye Cirro, ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan iyo sida oo kale lulidda calanka bilicda san ee WADDANI, waxaana hadalo ay ka jeediyeen magaalooyinkaas, ay guud ahaan ku sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay qeyb ka ahaadaan isbedel tolmoon oo uu hoggaanka u hayo xisbiga WADDANI, iyaga oo sida oo kalena dhalliilo xooggan u soo jeediyey xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye oo ay tilmaameen in uu hagraday gobalnimadoodii iyo weliba sida oo kale hirgelinta adeegyo aas aasi ah oo laga hirgeliyo guud ahaan dalka.

“Waxa farxad-weyn noo ah in aanu maanta deegaanadan iyo gobalka Gabileyba aanu ku soo dhaweyno hoggaamiyaha isbedel –doonka ah ee xisbiga WADDANI, haddii aanu nahay reer Gabiley waanu iska tuurnay heeryaddii na lagu xaman jiray, muddo dheer oo dambena ma xamili karno mana qaadi karno muddo xileed dambe oo intan ka badan in xisbiga Kulmiye oo noo hagraday uu na sii maamulo, waanu ka daalnay, waanu ka daalnay. Maantana xisbiga WADDANI, waxa aanu ku soo dhaweynaynaa qalbiyo furan iyo in aanu maanta diyaar u nahay isbedel dhabba oo aanu hormuud u noqonayno, waana xisbiga qudha ee aanu maanta uunu kalsoonidayada siin karno.”.Ayey yidhaahdeen shacabka ku dhaqan deegaanada gobalka Gabiley.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in xisbiga WADDANI iyo gobalka Gabiley ay isku og yihiin arrimo gaara isla mar ahaantaana wada lee yihiin ballamo u dhex, waxaana u miiska soo saaray in xisbiga WADDANI uu mar walba diyaar u yahay hirgelinta gobalnimada Gabiley, isaga dhanka kalena iftiimiyey muhiimada gobalka Gabiley uu ugu fadhiyo guud ahaan qaranka Somaliland.

“Aad iyo aad ayaan idiin ka mahadcelinayaa sida habboon ee maamuuska leh ee aad noo dhaweyseen, noo sharafteen, noona qaabisheen, waxa farxadweyn noo ah in maanta aanu joogno gobalkii  Gabiley oo isbedel doon ah. Reer Gabiley ballan hore ayaa noo dhaxaysay waxaana aan halkan uga sheegayaa in aanu diyaar u nahay hirgelinta goballnimada Gabiley oo xisbiga Kulmiye uu muddo dheer hagranaayey, iyada oo aanu wakhti xaadirkana ugu baaqayno xukuumaddu in ay arrintaas golaha keento si aanu uga hawl-galno ansaxinteed oo aanu diyaar u nahay, magaalada Gabiley qiimo weyn ayey dalka ku lee dahay.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)

Ugu dambeyntiina waxa uu guddoomiyahu uu xadhiga ka jaray xafiis cusub oo xisbiga WADDANI uu ka furtay magaalada Arabsiyo.