Dadka Reer Somaliland Ee Ku Nool Ingiriiska Oo Ka Mid Noqday Jaaliyadaha Dadka Badani Kaga Dhinteen Xanuunka Covid_19

0
662

London (Geeska) – Xanuunka dilaaga ah ee Covid_19, ayaa Dad badan oo reer ah ku dikay Dalka boqortooyada Ingiriiska oo uu Sanadkii u dambeeyay oo dhan faro-baas ku hayey.

Jaaliyadda Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska, ayaa ka mid noqday Jaaliyadaha uu Xanuunka Covid_19 saamaynta xun ku yeeshay isla-markaana Dadka badan ka dilay, sida uu sheegay Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee UK Nuur Xuseen Xaaji Xasan.

Guddoomiyaha oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada London Jimcihii shalay, ayaa Dadweynaha u soo jeediyey inay dabaqaan shuruucda Caafimaad ee Dalka Ingiriiska, isla-markaana joojiyaan isku imaatinka iyo isku ururka, si ay uga bedbaadaan Xanuunka Covid_19.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee UK Nuur Xuseen Xaaji Xasan oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Dad Boqol kun ka badan baa xanuunkan ugu dhimatay Dalka Ingiriiska, marka la qiyaaso Dadka Waddankan deggan, innagu waxaynu ku jirnaa Bulshooyinka ugu yaryar tiro ahaan, haddana waxaynu ku jirnaa Dadka ay tirada badani kaga dhimatay xanuunka.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in sababta ay Dadka reer Somaliland ugu dhimayaan Xanuunkaasi tahay in aanay ku dhaqmin Shuruucda Caafimaadka UK “Sababta aynu ugu dhimanaynaa waxa weeyaan Xanuunkani waa Xanuun dilaa ah, waa Xanuun aan Cidnaba dhaafaynin, Maanta waxaynu ognahay Guri kasta oo aynu galno ama qof baa ka buka ama Qof baa ka dhintay, markaa farriintayda ugu adagi waxa weeyaan waa inaynu u hoggaansanaanaa oo aynu raacnaa Waddooyinka Caafimaadka, shuruucda Caafimaadka ee Waddanka, waa inaynu joojinaa isku imaatinka, isku ururka, is booqashada, si ugu yaraan inteena badani uga nabad gasho Xanuunka..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office