Dad Tiro Badan Oo Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Nayjeeriya

0
615

 

Dagaal u dhaxeeyay ciidanka militeriga iyo kooxaha Islaamiyiinta oo ka dhacay waqooyiga dalka Nigeria ayaa lagu soo warramay inay ku dhinteen ugu yaraan 185 iyo inay ku burbureen laba kun oo guri.

Militeriga Nigeria ayaa waxa ay dood ka keeneen tirada dadkaasi la sheegay in lagu dilay weerarka.

Dowladda iyo saraakiisha militeriga ayaa sheegay in la isticmaalay qoryaha RPG iyo hub kale oo culus, dagaalka oo ka dhacay magaalo fog oo nabad ahaan jirtay oo la yiraahdo Baga, taasi oo u dhaw soohdinta dalka Chad.

Dagaalka ayaa socday muddo saacado ah habeenkii Jimcaha markii militerigu isku dayeen, inay halkaasi ka saaraan kooxda Boko Xaaraam.

Dadka magaalada ayaa u qaxay dhulka miyiga, iyaga oo soo laabtay Axadii doraad, oo ay arkeen in badana oo magaalada ah oo la baabi'iyay iyo meydadka dad iyo xayawaan daadsan jidadka magaalada.

Wariye ku sugan deegaanka ayaa sheegay in tani ay tahay in uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeyay kooxaha kacdoonka iyo ciidanka ammaanka.

Waxa uu sheegay in kooxaha mintidka ah ay heysteen hub ka culus midkii ay weerarrada uga geysan jireen gobolka, waxaana dad badbaaday ay sheegeen in qaar badan oo ka mid ah ay ku hadlayeen afaf ajnabi.