Hargeysa(Geeska)-Kooxdii loo soo qabtay dilka taliyihii Booliska gobalka Saaxil Marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Casayr, ayaa la go’aamiyay in dacwadooda lagu dhagaysto maxkamadad ciidamada.
Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in wada hadal iyo gorfayn dheer ka dib la go’aamiyay in kooxdaas oo ka koobnayd 11 nin dacwadooda ay qaado maxkamadda ciidamadu, waxaana la filayaa in dacwadoodu dhawaan bilaabanto.
Geesta kale, waxa kooxdan wehelin doonta oo iyana maxkamadda ciidamadu dacwadeeda dhagaysan doontaa haweenay magaceedu yahay Saado Jaamac Aadan oo ay ciidamada Boolisku toddobaadkan ka soo qabteen magaalada Berbera.
Kooxdan, ayaa laga soo qabtay buuraha gobalka Saaxil, waxaana loo haystaa dilka taliyihii Booliska gobalka Saaxil Marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Casayr, oo uu dilkiisu dareen xaasaasi ah abuuray.