Dab Iyo Cadho

51
3864

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay Kamaal A. Cali (Q. 19aad)


Waa shakhsiyad aad u awood badan [Isaga ayaa is sheegaya], door aad u awood badan ayaa uu qaatay, waxa uu u ekaa in uu ka dhego adaygay, ma’ awoodo, aynu ugu deyno madaxweynaha ama madaxtooyada.
Si kastaba ha isaga adkaado ee, qaar badan oo ka mid ah dadka ku xeerani waxa ay isku dayaan in ay cudur daar u sameeyaan dabeecadihiisan – waxa ay isku dayaan in ay sharraxaan guulihiisa, si loogu fahmo in dabeecaddani ay faa’iido tahay, oo aanay ahayn dabar xakamaynaya hawlihiisa. Steve Bannon, isagu waxa uu u arkayey in habdhaqankan Trump uu yahay wanaag siyaasadeed oo u gaar ah, waxa ay la ahayd in uu Trump yahay sida baarqabka. Laga yaabaa in uu islahaaba waa kii adduunyada noociisa ugu dambeeyey, oo si la mid ah nin 1950-naadkii jilaa ka ahaa filimkii ‘Mad Men’ ee kooxdii [Majaajilaystayaasha ahayd] ee Rat Pack.
Trump sida uu isagu u fahamsanaa dabeecaddiisa ayaa xaqiiqada uga dhoweyd, [Sidaas ay Bennon iyo ragga la midka ahi ka aaminsanaayeen]. Mar uu Trump safar ka soo noqday oo ay diyaaraddiisa la wada socdeen isaga iyo mid ka mid ah saaxiibbadiisa bilyandheerka ah oo gabadh cusub oo dharka xayeysiisa dibadda ka soo kaxeeyey, ayaa Trump oo doonaya in uu aad u sii xoojiyo xidhiidhka isaga iyo ninkan, waxa uu ku dhiirrigeliyey in ay ku sii hakadaan magaalada Atlantic. Waxa uu u sheegay in uu sii marin doono meherad khammaarka lagu ciyaaro oo uu ku leeyahay magaalada.
Saaxiibkii ayaa gabadhii dharxayeysiinta markii dambe u sheegay in magaaladan Atlantic City aanay oollin wax xiise geliyey. Waa meel ay buux dhaafiyeen dad danyar ahi.
Gabadhii ajaanibka ahayd oo fahmi weyday waxa uu uga jeedo ereyga uu isticmaalay ee ‘White Trash’ oo uu uga jeeday danyarta, ayaa weydiisay, “Waxa uu uga jeedo kelmaddaas” Trump ayaa ugu jawaabay, “Waa dad aniga oo kale uun ah,” isaga oo ku sii daray, “Keliya waa faqiir uun.”
Sida uu Trump u dhaqmayey marka la eego, waxa uu jidaynayey in adeecidda iyo tixgelinta qofka madaxda ah la siiyaa meesha ka baxaan. Taasina waxa ay ahayd arrin sharci darro ku ah guusha.
Guusha, si kastaba ha ku gaadho ee, ayaa ahayd waxa keliya ee uu Trump doonayo. Waana taas ta’ay saaxiibbadii arkayeen. Waxa ay se doonaayeen in aan loo fahmin in uu sidaas u yahay qof aan waxba ka dhowrsoon. Iyaga oo laftoodu ogaa in uu yahay, fallaago, rabshaani, nin u nool si sharciga baalmarsan, oo aad ugu madaxadag dadka la shaqaynaya.
Saaxiib ay aad isugu dhowaayeen Trump, oo dhinaca kalana saaxiibtinimo fiicani ka dhexeysay Bill Clinton ayaa sheegay in uu labadoodaba ku arkay arrimo yaab leh oo ay iska shabbahaan – marka laga reebo in Clinton ay ku xeernaayeen dad tixgelin mudan, laakiin aanu Trump taas haysan. Mid ka mid ah meelaha ay isaga eegyihiin ayaa ah in labadooduba ay ahaayeen laba shakhsi oo aanu sharcigu dabrin. Sumadda kale ee ay Trump iyo Clinton wadaagayeen ayaa ahayd shabeel-naagoodnimada – runtiina, weliba waxa ay ahaayeen kuwo tacaddi iyo dhib wax ku doonaya. Xitaa marka la eego ragga dunida oo dhan ka jira ee dumarka ku ibtilaysan, waxa ay labadoodu sii dheeraayeen indho adayg iyo sida aanay uga gabban haweenka.
Trump waxa uu jeclaan jiray in uu yidhaahdo, mid ka mid ah waxyaabaha nolosha macaanka u samaynaya waxaa ka mid ah in aad xaaska saaxiibka la seexato. Marka uu isku deyayo in uu xaaska saaxiibkii qanciyo [Ku qanciyo in ay ka aqbasho], waxa uu raadsan jiray gabadha laga yaabo in saygeedu aanu noqon sidii ay filaysay. [Aan ku qanacsanayn odaygeeda].
Marka uu fal sidaas ahaa ku kacay, kaddib. Ayaa uu xoghayntiisa ka dalban jiray in saaxiibkiisaa [Ninkii uu xaaska u weydaartay] uu ugu yeedho ballan xafiiskiisa ah. Marka uu saaxiibkii u soo galay,
La soco……….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here