Dab Iyo Cadho

26
3231

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 13aad)

Odaygedu waxa uu isaga dabqaadi jiray guryo kala duwan oo uu hadba mid degi jiray, waxa kale oo uu caan ku ahaa in aanu ku ekaan qol keliya oo hurdo u noqda, balse kolba qol cusub ayaa uu ka dhigi jiray kiisa hurdada. mooganaanteedu kuma ay koobnayn halka uu joogo, balse waxa kale oo aanay war buuran ka haynin ganacsiyadiisa, xiise yar ayaanay arrintaas isu gelisayba. Trump oo ahaa aabo ka maqnaa noloshii koritaan ee afartiisa carruur ah ee hore, ayaa weli sidii hore si ka sii daranba uga maqnaa nolosha ilmihiisa shanaad oo ah, Barron, wiilka ay Melania u dhashay. Imika oo ay tahay markii saddexaad ee uu guursado, waxa uu Trump saaxiibbadii u sheegaa in uu aaminsan yahay in ugu dambayntii uu gaadhay heer uu aamino aragtida ah in qof kasta xorriyad loo siiyo noloshiisa gaarka ah, kana turjumaysa halkudhegga ah; Nooloow in la noolaadana ogoloow – “Sida aad doonto u nooloow”

Waa uu ahaa [Trump] shabeel-naagood aad u sumcad xun, intii uu ol’olaha doorashada ku jirayna waxa uu noqon gaadhay shabeel-naagoodka dunida oo dhan ugu caansan. Cidina Trump xishood kuma sheegi karto, marka ay sheekadu dumarka taagan tahay, waxa uu qabaa aragtiyo tiro badan oo uu kaga warramayo sida loola dhaqmo iyo fahamkooda. Xitaa waxa jirta aragti uu saaxiibbadii kala sheekaystay oo ah, in mar kasta oo ay bataan sannadaha da’ ahaan u dhexeeya ninka iyo gabadhu, ay yaraato cadhada ay gabadhu ka qaadayso khiyaamada odayga ee ah in uu dumar kale xidhiidho la sameeyo.

Iyada oo ay sidaas tahay, haddana  waxaa been ah, sheekada ku andacoonaysa in guurka Menalia iyo Trump uu yahay uun magac. Si joogto ah ayaa uu Melania uga sheekeeyaa, marka aanay iyadu goobta joogin. Waxa uu aad ula dhacsan yahay sida ay u eegtahay – laakiin haddana, mararka qaar si aan u qalmin ayaa uu uga hadlaa Melania, iyada oo ay dadku maqlayaan. Si qab ka muuqdo oo aan maldahaad lahayn ayaa uu Melania ugu sheegaa in ay maalkiisa uun kula joogto. [Gabadh quruxdeeda u sadqaysay in uu oday aad uga da’weyni daawado oo sida quraaradda isaga haysto, iyada oo iyaduna u eexaysanaysa hantidiisa ayaa uu ku metaalaa]. In kasta oo aanu noloshiisa gaarka ah aad ula wadaagin xaaskiisa Melania, haddana marka ay xaaladdu ku xun tahay waa uu la wadaagaa, “Xaas ku farxad gelisa ayaa farxadda nolosha ah,” sidaas ayaa uu yidhi, isaga oo ku soo halqabsanaya halkudheg xaqiiq ah oo uu maalqabeen hore oo caan ahaan jiray yidhi.

Sida oo kale hawlihiisa qaar waxa uu uga fasax qaataa Melania. (Dumarka ku xeeran oo dhan ayaa uu la tashadaa, kuwaas oo ku dhaamay xikmad ay u sheegaan.) sannadkii 2014 kii, markii ugu horreysay ee ay si dhab ah ugu soo dhacday in uu madaxtinimada u tartamo, Melania, waxa ay ka mid ahayd dadkii aadka u tirada yaraa [Ee uu la tashaday] ee aaminsanaa in ay suurtagal tahay, oo uu guulaysan karo. Laakiin fikirkaasi dheeldheel ayaa uu ula muuqday inantiisa Ivanka, oo imikaba si taxaddar leh isaga fogeysay ol’olihii doorashadiisa.

Ivanka oo aan qarsanba jirin nacaybka ay u qabto aayadeed [Melania], ayaa saaxiibbadeed ku tidhi; haddii aad doonayso in aad barato [Caqliga] Melania, waxaa kugu filan, in ay u haysato in haddii uu tartamo [Aabaheed Trump] uu guulaysan doono. Laakiin, haddana in uu odaygeedu uu run ahaan madaxweyne noqdo waxa ay Melania u arkaysay arrin cabsi badan leh. Waxa ay aaminsanayd in ay burburin doonto nolosheeda dhowrsoon, ee khatarta iyo isbeddelka soo waajihii karaa yar yihiin, oo gebi ahaanteedba ku fooggan wiilkeeda yar oo keliya. – cidda ay nolosheedu ka ilaashan tahay, ee ay warwarka ka qabto Melania waxaa ka mid ah qoyska ballaadhan ee Trump laftiisa.

Naga daa waxa aad kharribayso, ayaa uu mar ku yidhi odaygeeda oo maaweelinayey. Xitaa iyada oo maalin kasta ka qaybqaadanaysay dadaallada shaqada ol’olaha odaygeeda, warbaahintuna aad uga sheekaynaysay. Haddana argagaxa iyo walbahaarka ay qabtay waa uu sii badanayey uun.

Ol’ole nux-nux ah ayaa lagu bilaabay, dacayaado iyo fara ku fiiq kuwo xanuun badan iyo maadaysba isugu jira oo ku saabsan guurkeeda Trump ayaa ay dad saaxiibbadeed ka mid ahi ka faafiyeen. Xirfaddeedii dhar-xayeysiinta ayaa aad loo soo faqay. Majaladda dadka caanka ah ka faalloota ee Suzy ayaa markii Trump uu ku guulaystay murashaxnimada xisbiga dhexdiisa, dacaayado ka qortay nolosheedii Slovenia, [Dalka ay asal ahaan ka soo jeeddo] oo ah halkii ay ku soo kortay. Kaddib, wargeyska Daily Mail ayaa sheekadii qarxiyey oo dunida oo dhan gaadhsiiyey. Waxan oo dhami waxa ay ifafaale foolxun u ahaayeen sida ay noqon doonaan maalmaha ku soo socda Melania.

Wargeyska New York Post ayaa isna markiisa gacanta geliyey, waa aanu soo faqay sawirro ay qaawantahay, oo Melania ay si badheedh ah u si siisay majallad, xilliyadii ay ku cusbayd shaqada dhar-xayeysiiska – Waxa ay ahayd fadeexad qof kasta oo aan Melania ahayni uu malayn karayey in Trump laftiisa arrintaas lagu xidhiidhin doono.

Iyada oo qalbijabsan, ayaa ay la murantay odaygeeda. Ma sidanaa mustaqbalkeennu? Ayaa ay ku tidhi, iyada oo intaas ugu dartay in aanay iyadu u dulqaadan karayn mustaqbal caynkaas ah. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here