DAACISH Oo Sheegatay Weerarradii Ku Dhacay Wadnaha Yurub, Ammaanka Belguim Oo La Dhaliilay Iyo Xaaladihii U Dambeeyey

0
685

1Brussels (Geeska)- Wakaaladda wararka ee Acmaaq oo uu leeyahay ururka DAACISH ayaa xalay si rasmi ah u baahisay in Ururka Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya uu ka masuul ahaa weerarradii lulay magaalada Brussels ee caasimadda u ah dalka Belgium iyo Midowga Yurub. Dhinaca kalana waxaa illaa xalay socday hawlgal ay Laamaha ammaanka ee dalka Belgium ka wadaan gegida diyaaradaha iyo meelo kale oo Istaraatijiya oo ka mid ah magaalada Brussels, kadib markii afar qarax oo mataano ah oo shalay lulay magaalada Wadnaha u ah Midowga Yurub ay ku nafwaayeen dad tiradoodu ka badna tahay 34 ruux, kuna dhaawacmeen in ka badan 200 oo ruux.

qqqq

War uu Geeska Afrika ka soo ururiyey wakaalado kala duwan ayaa sheegaya in ururka DAACISH uu sheegay in koox dagaalyahannadiisa ka mid ahi ay fuliyeen weerarradan oo ay u adeegsadeen walxo iyo suman qarxaya, waxa aanay beegsadeen garoonka diyaaradaha ee Brussels iyo xarunta tareennada dhulka hoostooda marae e ugu muhiimsan caasimadda Belgium ka iyo meelo kale oo muhiim ah. Iyaga oo intaas ku daray in Kooxda weerarkan qaadday ayaa markii ay gegida diyaaradaha gudaha u galeen ka hor intii aanay is qarxin rideen raas badan, laakiin weerarka xarunta Tareennadu ay ku koobnaayeen is-qarxin. Waxa ay DAACISH sheegatay in ay weerarradaas ku waxyeelleeyeen dad tiradoodu ka badan tahay 230 oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kalana gelinkii dambe ee shalay ayaa warbaahinta dalka Belgium laga sii daayey sawirrada saddex ruux oo lagu tuhmayo in ay ku luglahaayeen qaraxyada gegida diyaaradaha ee Brussels. Muuqaallo laga arkay kamaradaha ammaanka ee ku rakiban gegida diyaaradahaa ayaa iyaguna muujinaya saddex ruux oo musaafiriin ah oo xidhan dhar madow, saddexda qof oo wata gaadhi-gacanka shandadaha iyo xamaamta lagu riixdo ayaa kamaradda laga arkayey iyaga oo baadhis lagu wado aqoonsiyadooda.

Laanta Amniga ee dalka Belarus ee bariga Yurub ayaa iyaduna war ay xalay soo saartay ku sheegtay in ay hubin iyo baadhis ku wadaan warka sheegaya in saddex muwaadiniintooda ka mid ahi ay ku luglahaayeen weerarrada shalay ka dhacay Belgium. “Waxaa la tuhunsan yahay laba nin oo walaalo ah oo magacyadooda la kala yidhaahdo, Ivan iyo Alexei oo sannadkii 2008dii u haajiray dalka Belgium ka, diinta Islaamkana halkaas ku qaatay iyo ruux saddexaad oo ah Marat Yunusov oo isna u dhashay Jamhuuriyadda Dagestan oo ka tirsan Federaalka Raashiya” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay sirdoonka Belarus, laakiin warar saacadihii dambe soo baxaya ayaa iyaguna dhinacood beeniyey in dadkani ay ku lug lahaayeen weerarrada waxa aanay warbaahinta Ruushka ku eedeeyeen in ay warkan been abuurtay.

Si kastaba ha ahaato ee sirdoonka Belarus ayaa sheegay in ay dhowaan dalka Belgium gaadhsiiyeen digniin la xidhiidha dareen sirdoon oo sheegaya in ururka DAACISH ay maleegayso qorshayaal weerarro ka dhaca Belgium.

Talefishanka RTPF ee dalka Belgium ka ayaa isaguna xalay baahiyey war uu ka soo xigtay booliiska oo sheegaya in gegida diyaaradaha laga helay mayd ay hareer yaallaan qri AK ah iyo sun qarxaya, kuwaas oo weli baadhitaankoodu socdo. Waxa kale oo uu Talefishanku sheegay in Jaamacadda ugu weyn magaalada Brussels laga helay walxo qarxa oo aan qarxin, kuwaas oo uu booliisku qarxiyey kadib markii dadkii laga daad-gureeyey jaamacadda.

Heerka feejignaanta amniga ayaa darajada ugu sarraysa la geeyey dalka Brussels iyo dalalka Yurub ee xuduudka la’ leh waxaana la hakiyey shaqadii gegida diyaaradaha ee weerarradu ka dhaceen iyada oo dhinaca daqaalahana la sheegayo in weerarradani ay dhulka geliyeen saamiyada ganacsiga ee guud ahaan qaaradda Yurub, gaar ahaanna khasaare badani soo gaadhay Belgium ka.

Haayadaha ammaanka ee Belgium ayaa xalay dadkii ka hawlgalayey oo dhan ka daad gureeyey xarun Nukliyeer oo u dhow xuduudka Jarmalka arrintaas oo ay wakaaladda wararka ee dalka Belgium ku macnaysay in laga taxaddarayey in weerarro ka dhacaan.

Weerarradan oo ahaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara dalka Belgium ayaa sababay fawdo iyo isdhex yaac laga dareemo guud ahaan dalkaas, gaar ahaan gegooyinka diyaaraduhu ka haadaan, xarumaha tareennada, iyo istaannada baabuurta dadweynaha.

Waxa ay weerarradani ku soo beegmeen afar maalmood uun kadib markii Belgium lagu qabtay Salaax Cabdisalaam oo ahaa eedaysanaha koowaad ee weerarradii bishii Noofambar ee sannadkii hore ka dhacay magaalada Paris oo ay ku dhinteen 130 ruux, tan iyo maalintaasna waxaa dalka Belgium ka jiray feejignaan ay dawladdu sheegtay in ay kaga hortegeyso in weerarro aargoosi u ah qabashadani ay dhacaan, laakiin haayadaha ammaanka ee dalkaas ayaa aad loogu dhaliilay in ay ka warheli waayaan weerarro sidan u waawyn iyaga oo weliba xaalad feejignaan ah ku jira, waxa kale oo lagu dhaliilay in Saalax Cabdisalaan ay Belgium qaban kari la’ayd muddo afar bilood ah iyada oo xitaa ogaan kari weyday in uu ku nool yahay isla xaafaddii uu ku dhahay weligiina ku noolaa ee magaalada Brussels ka mid ahayd.