Cuqaasha, Haweenka Iyo Dhalinyarada Waqooyiga Hargeysa Oo Camaareyay Xadhiga Haatuf

0
570

Picture6Hargeysa (Geeska)-Cuqaasha, Madaxa dhaqameedka, Haweenka Aqoonyahanada iyo Dhalinyarada Beesha Reer Gadiid ayaa  si kulul u Cambaareysay Xadhigii lagula kacay Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatiraha Wargeyskaasi Axmed Cali Cige oo Maalintii Sabtidii ee todobaadkan Maxkamada Gobolka Hargeysa ay xidhay, ka dib markii ay halkaas u tageen bilowga dacwadda loo haysto. Waxayna Xukumada Somaliland ugu baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadooda loogu soo celiyo Masuuliyiintaasi.  Chief Caaqil Cabdirisaaq Caqli ayaa Shirkaasi jaraa’id ka akhriyey Qoraal dheer oo ay ku saxeexeen in ka baddan 50 Madax-dhaqameed oo ay ku dalbanayaan in xoriyadooda loo soo Celiyo Suxufiyiintaasi. Qoraalkan ay Madax dhaqameedkani soo saareen ayaa u dhignaa “Anagoo ah waxgaradka, Odayaasha, Cuqaasha, Culumada, Qurba-jooga Ragga iyo Haweenba ee Beel-weynta Reer Gadiid, Anaga oo Ixtiraamayna Shuruucda Dalka ka jirta iyo dhawrista Qaranimada Somaliland, Anaga oo Ixtiramayna Daris wanaaga beelaha kale.

Markaanu darisnay xeerarka saxaafadda ee ee ay ansixiyeen Golaha xeer dajinta, oo si cad u tilmaamaya habdhaqanka  anshax ka xayuubinta Saxafiga, iyada si cad loogu badheedhay oo cadaawad ah in lagu tunto sharafta iyo milgaha Saxafiga, iyada oo ahayd in la ilaaliyo xeerka Saxaafadda, markaanu darisnay xeer ciqaabaeedka Somaliyeed ee loo adeegsaday qodobadan, 2.328 XGG oo leh dacaawayd ka soo horjeedaoo lidi ku ah waddanka.3. 328XCG oo leh daabacda ama fidinta wararka beenta oo khalkhal galinaya daganaashaha dadweynaha.

4. 269,(2) XCG  oo leh Aflagaado loo geystay laan-siyaasi ah ama Maamul ama Garsoor ah.

5. 269 qodobka labbaad oo leh ciqaab la mid ah ayaa loo cuskan doona cida adeegsata isgaadhsiinta toos ah, ama qoraal ah, ama sawiro la gaadhsiiyo kooxdaasi ama wakiiladooda. Haddaba Xeerkani ma ah kii loo adeegsan lahaa xeerka Saxaafadda waana cadaalad darro qaawan taasi.

Markaanu ogaanay sida afduubka ah ee loogu diiday difaaci xaq uu u lahaa muwaadinku iyada oo loo diiday Loyaradiisi u hadlayey sida ay noo cadeeyen.Markaanu ogaanay in lagu xidhay Qolka Shabaga ah ee loogu tallo galay Argagixisada, isaga oo aan gayin oo xaq u lahaa in uu si xor ah uu isku difaaco, taana uu wayey xoriyatul qawlkii uu xaq u lahaa.Markaanu eegnay xaaladiisa Caafimaad oo aan wanaagsanayn muwaadinkan, laguna xadgudbay hantidiisa, xoriyadiisa iyo caafimadkiisa.Markaanu ka baarandegnay xaqdarada taagan ee si qoto dheerna u lafo gurney, waxaanu Cambaareynaynaa Xadhiga Xaqdarada ah ee iyo xiiniyo-taabadka ah ee lagu waxyeeleyey.

1.Jiritaanka xeerka dhaqan galka ah ee ka soo baxay golayaasha xeer-dajinta sida xeerka saxaafada ee la laalay.

2.Waxaanu cambaareynaynaa oo aanu ka soo horjeedna xadhiga afduubka ah ee lagula kacay Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatirihiisa.

3.Haaddii la ilaalin waayo xeerka iyo milgaha muwaadiniinta wixii ka yimaada waxa masuul ka ah cidaa badhedheysa ee awoodeeda sharciga ku baabi’inaysa.

4.Waxaanu cod dheer ku leenahay, ugu danbeyn in xoriyadiisa loo soo celiyo Guddoomiyaha haatuf iyo Tifatirihiisa xaq darada ku xidhan, waana in magdhaw iyo raaligalin laga bixiyaa arrintan foosha xun.”