London (Geeska)- In kasta oo aanay dhakhaatiirta iyo xeeldheerayaasha nafaqayntu isku khilaafsanayn in ay tahay cunto caafimaad ahaan aan wax dhibaato ah keenin, haddana cilmibaadhiso xeeldheer oo lagu sameeyey ayaa daahfurtay in qofka oo iska daaya cunistoodu ay ka caawinayso in uu ka takhaluso caloosha oo uu gaadho himiiladiisa ah in uu yeesho calool muruqyadeedu giijisan yihiin.
Warbixin uu dhowaan baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa lagu sheegay in laba ka mid ah khubarada waaweyn ee cilmiga nfaqaynta iyo faa’idooyinka caafimaad ee cuntadu ay soo saareen liiska cuntooyin ay tahay in qofku uu ka dheeraado si aanu calool u yeelan. Iyaga oo dhinaca kalana ku taliyey in sideedaba aanu qofku ku koobnaan xilliyo go’an oo uu cunto buuran cuno, balse uu ka dhigto cunto aad u yar oo uu maalintii dhowr jeer oo kala duwan cuno isla markaana uu si aad ah u calaaliyo si uu isaga jiro fursad kasta oo keeni karta in caloosha uu naqas dibbiriyo.
Qaar ka mid ah cuntooyinka ku jira liiskaas ay labada khabiir soo saareen oo uu wargeyska Geeska Afrika Afsoomaali u rogayna waxa ay kala yihiin sidan:
1. Khudradaha xididka ah iyo midha faasuuliyaha iyo digirta:
In kasta oo aanu shaki ku jirin in in ay yihiin cuntooyin u udufanku ku yahay, isla markaana qudhoodu kaalin ka qaata qor-qorista jidhka, haddana uma fiicna dadka leh dibirada joogtada ah (Naqaska caloosha gala). Cuntooyinkan oo ay ka mid yihiin Fuulka, Cadaska, Khudradaha caleenta ah sida salladhka iyo kaabashka iyo khudradaha xididka ah sida dabacsaha ayaa la ogaaday in ay caloosha ku keenaan naqas badan oo keena dibbiro calooshu la weynaato.
Cassandra Shawn oo ku xeeldheer cilmiga nafaqaynta ayaa iyaduna ku talisay in cadaska iyo misirka inta aan la karin lagu radiyo biyo qabow oo habeen dhan uu iskaga dhex jiro, taas oo ah hab lagaga takhalusi kara asiidhka Faytik (Phytic acid) oo ah ka sababa dibbirada.
2. Khudradaha leh iniinyaha dhagaxa ah:
Khubaradu waxa ay ku talinayaan in la iska ilaaliyo cunista badan ee cuntooyinka iniinyahoodu ay yihiin lafta sida dhagaxa u adag, tusaale ahaan timirta, gobka, cinabka iwm. In kasta oo uu jidhku khudradahan ka helo faytamiinno iyo macdanno aad ugu fiican caafimaadka, haddana marka la cuno inta badan dheefshiidka waxaa ku adkaada in uu dhaqso u burburiyo, waayo waxaa ku badan sonkorta, sidaa awgeed waxaa dhacda in ay caloosha ku khamiirto, ama aanu dheefshiidku si buuxda u wada burburin, waxaana ka dhasa naqas iyo dibbiro badan.
3. Xawaashyada:
In kasta oo ay xawaashyadu leeyihiin faa’idooyin badan oo caafimaad, haddana waxa ay khubaradu sheegayaan in ay jiraan qaar ka mid ah xawaashyada oo kordhiya asiidhka caloosha, sidaa awgeedna sababa dibbiro badan iyo in calooshu ay weynaato.
4. Calaashiga Xanjada:
Dad badan ayaa ay la tahay in afka oo lagu mashquuliyo calaashiga xanjadu uu ka dheeraynayo baahida cuntada, laakiin runtu waxa ay tahay in calaashiga badan ee cuntadu uu sabab u noqdo in hawo badani ay caloosha gasho, taasina ay keento dibbiro iyo in naqas badani isku xidho caloosha, sidoo kale calaashiga xanjadu waxa uu keenaa in maskaxdu u fahanto cunto oo ay sii deyso dheecaannada dheefshiidka, taasina ay sababto in qofku uu gaajo dareemo oo cunto u baahdo, waana sababta ay dad badani ugu fahmaan in dheregga la iskaga rido calaashiga xanjada. Sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofku uu cuno cunto aad u yar oo khafiif ah isla markaana u badan cuntada ganka leh, si aanu ugu baahanba xanjo uu iskaga rido dheregga.