Shaqaalaha Hay’adda Wadooyinka ee la diiwaan Gelinayo Waxa lagu dhex qarinayaa Shaqaale Cusub” Cumar Sayid Aadan
Shaqaalaha Hayadda Horumarinta wadooyinka Somaliland:
Waxa jirta in dawladu qorshaysay in la diiwaangaliyo oo laga dhigo shaqaale rasmi ah shaqalaaha hayadda horumarinta wadooyinka JSL oo tiradooda lagu sheegay 580 sida ku cad warqada halkan ku lifaaqan ee uu ka saxeexan yahay xogyahaha gaarka ah ee Madaxweynaha JSL ee soo baxday 01/02/2026.
Talabadaas shaqaalaha lagu diiwaangalinayo lagagana dhigayo shaqaale dawladeed oo rasmi ah waan soo dhawanaynaa, waana talaabo loo baahnaa muddo horena lagu taliyay, laakiin
Qorshahan maxaa ku hoos jira:
1: Waxa jira in shaqaale boqol gaadhaya lagu dhex qarinayo shaqaalayntan kuwaas oo loo sameeyay heshiisyo (contracts) taariikdha laga badalay (back dated) kuwaas oo aan ka tirsanayn shaqaalaha hayadda horumarinta wadooyinka ee dawladan cusub lagu wareejiyay, tirada shaqaaluhuna may ahayn 580 warqada lagu sheegay.
2: Waxa la doonayaa mushaharkii iyo gunooyinkii ay qaadan jireen shaqaalaha rasmiga ah ee hayadda horumarinta wadooyinka in laga dhex sameeyo mushaharka iyo gunada shaqaale dheeri ah oo boqol gaadhaya oo laga dhigayo inay hore u shaqayn jireen.
3: Shaqaalahan cusub ee lagu dhex qarinayo qorshahan, waxa qaybsaday dhawr masuul oo ka tirsan dawlada kuwaas oo aan u eegin hanaankii shaqaalaha dawlada loo qaadan jiray, deegaano badan ayaan hal qof kaga jirin, xataa dhalinyaradii xisbiga wadani looma cadaalad samayn.
Sidee ayaa ugu haboon in loo qabto qorshahan.
1: Marka hore waxaan halkan uga yeedhaynaa hayadda shaqaalaha dawlada, xafiiska hantidhawrka guud ee qaranka, iyo hayadda maamul wanaaga waxaanan u sheegaynaa inay qorshahan hogaamiyaan oo wadada saxda ah ku hagaan maadaama ay masuuliaydooda tahay.
2: Waa in qof walba la waydiiyaa warqadii mushahar muujinta ee shaqaalaha hayaddan ama Zaad- E dahab ee mushaharka uu ku qaadan jiray 24 bilood ee ugu dambeeyay si loo kala saaro shaqaalaha rasmiga ah iyo kuwa lagu soo dhex qariyay.
3: Waa in shaqaalaha hore ee joogay hayaddan oo mushaharkooda iyo gunadooda hadda laba jeer hoos loo dhigay aan mar saddexaad xaqooda lagu noqon, ee imtixaanka ka dib mushaarka kooda loogu kala qaybiyaa mushahar rasmi ah iyo gunno hawleed, iyada oo kuwa sita shahaado jaamacadeed degree ama master ay noqon doonaa darajada A, kuwa sita shahaado secondary darajada B, kuwa aan labadaas midna sidana ay noqon doonaan darajada C ama xirfadle.
4: hadii ay hayadda horumarinta wadooyinka Somaliland u baahan tahay shaqaale waa in loo maraa dariiqa sharciga ah oo la baahiyaa laguna tartamaa, waayo hayaddan waa hayadda farsamo oo wadooyin inoo dhisaysa looma baahna in laga soo buuxiyo dad gunno loo raadinayo ee waxaynu u baahanay injireerada iyo khubarada dhismaha ee dalka joogaa inay fursadan ka faaiidaystaan, hadii aan qaabkaas loo qaadanayn waa in shaqaalaha ay ka dhex muuqdaan dhamaan deegaamada Somaliland, qasab maaha in isku wada tiro la siiyo way kala badsan karaan laakiin waa inay ka wada dhex muuqdaan.
Hadii la diido in la saxo qorshahan:
Hadii shaqadan sidaas aanu tilmaanay ama si ka sii wanaagsan loo sixi waayo, waxaanu soo bandhigi doonaa doorka fashil ee hayad dawladeed kasta oo shaaqadeeda qabsan wayda iyo waliba masuul dawladeed kasta oo ka qayb qaata qorshahan khaldan ee la fulinayo.












