CONIFA Oo Somaliland Kala Noqotay Martigelinta Tartanka Dalalka Aan La Aqoonsan

0
863

Hargeysa(Geeska)-Ururka xidhiidhka ciyaaraha ee dalalka aan la aqoonsanayn ee CONIFA, ayaa ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland kala noqdeen martigelinta tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee sannadka dambe loo qaban lahaa dalalka aan la aqoonsan oo loogu tallo galay inuu sannadka dambe ee 2020 lagu qabto Somaliland.

War-murtiyeed uu ururka CONIFA soo saaray ayaa wuxuu go’aankoodan ku sababeeyay Somaliland oo buuxin wayday arrimo dhinaca farsamada oo sabab u noqday in Somaliland lagala noqdo martigelinta tartankaas, waxaanay intaas ku dareen inay dib ka faahfaahin doonaan dalka loo wareejiyay.

Martigelinta tartankan ayaa wuxuu magac u soo jiidi lahaa dalka Somaliland oo ka mid ah dalalka aan la aqoonsan, waxaana la aaminsanyahay in go’aanka CONIFA ay sabab u tahay wasaaradda ciyaaraha Somaliland oo qaranka uga wakiil ah arrimaha dhallinyarada iyo ciyaaraha oo sida ay CONIFA sheegtay buuxin wayday shuruudihii looga baahnaa, iyadoo ka hor martigelinta tartankaas aanay xataa wasaaradda ciyaaruhu diyaarin koox metesha qaranka Somaliland oo tartankaas ka qayb gasha.

Ma jirto wax jawaab ah oo ay dawladda Somaliland ka bixisay go’aanka ay CONIFA ku laashay hamigii ay Somaliland ku doonaysay inay ku martigeliso tartankaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here