Col.Cumar Nimcaale Oo Madaxweynaha Iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka U Diray Baaq U Waajahan Cabdiraxmaan Guul-wade

0
673

 

Hargeysa (Geeska)-Col.Cumar Maxamuud Nimcaale, ayaa Madaxweynaha Somaliland iyo Xeer-ilaaliyaha guud ugu baaqay in aanay ka hadhin dambiga uu Cabdiraxmaan Guul-wade ka galay Shacabka reer Somaliland, ee uu qirtay, waxaanu soo jeediyey inuu Xeer-ilaaliyuhu Maxkamadda Hargeysa uga furo Gal-dacwadeed, haddii uu diido inuu dalka yimaadana u diro saman lagu soo xidhayo.

Col.Cumar Maxamuud Nimcaale, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Maqaalkan aan Wargeyska Geeska Afrika ku soo qoray saaka, maaha ujeedadiisu ama ujeedada aan ka leeyahay inaan u jawaabo ninka la baxay magaca la yidhaahdo Guul-wade, ninkaas oo meel fagaare  ah ama warbaahinta adduunka horteeda ka qirtay xasuuqii kumanaanka qof lagu xasuuqay, oo waliba dumar iyo caruur u badnaa, inuu isagu qirtay inuu taageersanaa, imikana taageersan yahay, oo ay wax wanaagsan qabteen oo uu sidaas ku amaanayo, wuxuu qirayaa waxay shareecada islaamku diiday oo ay xaaran timaysay, ILLAAHAYNA uu ku xaaran timeeyey quraanka, oo aan bila’aadanimo ahayn, oo aan Somalinimo ahayn, inuu qirto boqolaal kun oo qof oo wax dambiya galin inuu taageersan yahay in la laayo, maaha inaan u jawaabo, waayo ninka intaas oo muslim ah, oo la laayey, waxaa qawlaladiisa ka soo burqanayaa waa dhiigoodii, markaas kaas oo kale uma jawaabo”.

Mar uu Madaxweynaha iyo Xeer-ilaaliyaha fariin u diraayey ayaa wuxuu yidhi “Maqaalkaygani wuxuu ku socdaa Madaxweynaha Jahmuuriyada Somaliland Muuse Biixi iyo Xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland, oo aan ku adkaynayo dambigaas uu ninkaasi ka galay Umadda Somaliland inuu Xeer-ilaaliyuhu u furo gal-dacwadeed, oo uu si dhakhso ah ugu furo, markhaatiyadii ku caddaynayeyna isaga ayaa isku furay, markaas in Maxkamadda Hargeysa saman u dirto ama u yeedho oo ay tidhaahdo dambigaas ayaa lagu haystaaye kaalay iska difaac, iman maayo, ee haddii uu iman waayo waa in loo geeya samankii lagu soo xidhaayey, oo wuxuu leeyahay in lagu qaado ayaan ku adkaynayaa Madaxweynaha iyo Xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland, iyadoo uu masuuliyadeeda Xeer-ilaaliyuhu leeyahay, sidaas ayaana anigu u gudbinayaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here