Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Xasan Xuseen Maxamed Codyare, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay Ganacsatada ka dhinto Cashuurta,gaar ahaan Cashuurta waxyaabaha muhiimka ah sida Maceeshada iyo Raashinka.
Siyaasi Xasan Xuseen Maxamed Codyare, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Marka hore Ramadaan Kariim, waxaana guud ahaan u ducaynayaa Umadda Islaamka, meel kasta oo ay joogto, waxaana ILLAAHAY uga baryayaa inuu Muslimka u gargaar, waxaana sidii kale ILLAAHAY inooga baryayaa inuu inoo naxariisto, oo bishan khayrkeeda iyo fadligeeda ina siiyo, waxaana Xukuumadda ugu baaqayaa madaama sicir bararkii wali jiro, dadkiina culays haysto, inay Ganacstada u jabiso ama ay ka dhinto Cashuurta, gaar ahana Cashuurta quutal daruuriga ah, Raashinka iyo Maceeshada, si ay Ganacstaduna markaas culayska uga dulqaato dadka,oo ay u jabis Maceeshada”.
Dhinaca kale Xasan Xuseen Codyare, ayaa dhinaca kale Bulshada ugu baaqay inay is caawiyaan, oo ay wax is taraan, oo ay bishan khayrkeeda ka faa’iidaystaan.