Cod Ka Xoroobay Qabyaalad Ayuunbaa Inoo Haya “Madaxweyne Suuban Oo Sidan Ah”

14
4060

Picture2Xirfada Hoggaamintu waa xirfada ugu dabiicisan aduunka mana aha wax sahlan in aad ummad  hoggaamisaa.  Sidaas darteet su’aasha u baahan in shacabka Somaliland  ay isweydiiyaan waxay tahay “waa maxay sababta shacabka Somaliland ay ugu hungoobaan markasta in ay doortaan madaxweyne suuban oo sidan ah? Sidee baynu ku heli karnaa madaxweyne suuban?  Jawaabta su’aalahan waxa ka hor imaneysa su’aal kale oo ah. Sidee bay shacabka reer Somaliland u fili karaan in ay helaan hoggaamiyaha ay ku riyoonayaan inta aynan ka xoroobin qabyaalada sowkii lahaa Abdullaahi Suldaan Tima Cade “ nin qabyaalad heensaynaya guul ma habsado . haddii diirada aynu ku egayno qofka aynu dooranayno ay tahay qabyaalad ku dhisan xeeladaha toolaay reer hebeloow ama waa markayagii iyo musharaxaas ayay dani inoogu jirtaa oo reerkeena u sed burinaaya iwm. Garashadaas lagu heli maayo hogaamiyaha aynu u bahanahay casharadaasina marar badan bay ina soo mareen waana taariikhaha xun ee daciifka ah ee ummadan u diiday in ay helaan hoggaamiye u rumeeya rajadooda.

 

Waxaa la jooga xiliigii shacabku ka kori lahaa in ay wax ku doortaan Qabyalad iyaga oo ilaalinaya danaha qabiilkooda waayo casharadaas waynu soo aragney oo may rumayn rajadeenii waana waxyaalaha ina kala qaybshey ee waliba guusheenii halgankii (SNM) u rogay guuldarooyin. Maadaama oo la joogo xiligii aynu codkeena ku soo saari lahayn hoggaamiye inoo rumeeya rajadeena madaama oo aynu ku hungawnay kuna guuldarraysanay arrimaha qabiilka iyo tolaay reer hebelow. Waxaynu u bahanahay in garashada iyo caqligu shaqeeyo oo aynu diirada kor u qaadno si aan misaanka u saarno kuwa u tartamaya talada dalka heer tuulo, Degmo, heer gobol illaa Kursiga ugu sareeya si aan u doorano hoggaamiye tusaale u noqda hoggaamiyaha beddali doona, hogaamiye ka xor ah danaha qabiilka, aragti fog, higsi leh, karti badan, xill-gudasho badan, ka feejigan musuqmasuqa ayna ka  go’antahay in uu dalkan isbeddel muuqda oo taariikhda gala ku sameeyo.

Codkeena ayaa inoo haya hoggaamiye hanan kara dhammaan shacabka Somaliland mid doortey iyo mid aan dooranba. Waayo waa waajib in dorashada ka dib hogaamiyuhu mideeyo shacabkii ku kala qaybsamey dorashadiisa,  isaga oo cod dheer iyo ficilba ku mujinaya in uu madaxweyne u yahay dhammaan shacabka soo doortey iyo kuwii aan dooran labada.  Waayo waa xuquuq dastuuri ah in muwaadinku kala doorto shaqsiyaadka u tartamaya hogaaminta dalka. Hogaamiye xil weyn iska saraa in uu hanto dhammaan dadkii ka soo horjeedey xilligii doorashada. Waayo waxay bayr ka leeyihiin  hogaamintiisa waana kuwa ay tahay in uu xasiliyo qalbiyadooda, kana saaro shakiga ay ka qabaan hoggaamintiisa iyo in aanay xaqqooda ku waayin waayo isaga  umay codeyn.

Cod ka xoroobey qabyaalad iyo xeeladaha toolaay reer-hebeloow ayuunba inoo soo saari kara hoggaamiye inoo soo dhisa dawlad yar oo kooban oo aan ka badneyn 15 wasiir oo lagu soo xulay aqoontooda, kartidooda, iyo taariikh nololleedkooda oo ka marag kacaya in ay ahayeen muwadiinin suuban. Hoggamiye indho-qudhaanjo u leh xubinkasta oo dawladiisa ka mid ah oo isku daya in uu wax musuqo ama u ka faro qabsado ummadan wada gajoonaysa iyo agoontan ooyeysa ee ku waayey dalkan xorayntiisi dadkii ay ugu jeclayeen adduunyada. Hogaamiye ka dagaalama in reerkiisa, qoyskiisa iyo kuwa ku dhawdhawi in ay darajo, xil, fursado iyo hanti  ku helaan waayo madaxweynaha ayay isku qoys yihiin, qaraabo ama saxiibo.

Codkeena ayaa inoo haya hoggaamiye aan jibbo, eex iyo culays kaga yimi qolo ama koox,  aan ku qaybin hantida qaranka oo taas badelkeeda si cadalad ah ugu qaybiya hantida qaranka ummada qarankan wada leh, si aan loo kala badsan wixii dadkan ka dhexeeya ee la’wada leeyahay isagoo dajinaya qorshayaal cadeynaya mashariicda dalka laga fulinayo gobol ilaa heer degmo ama heer tuulo iyada oo waxa la qabanayaba ay ka imanayaan dadka gobolkaas, degmadaas ama tuladaas ku nool loona kala horumarinayo bahiyahaas sidey ukala mudan yihiin.

Codkeena ayaa inoo haya hoggaamiye fahamsan in ay saxtahay in la mucaarido waayo, mucaaradnimu waa awooda dimoqradiyada. Hoggaamiye gacan walaalnimo u fidiya mucaaradkiisa markay danta qaranku  timaado. Talada mucaaradka qaata markay quman tahay waa hadii ay talaadoodu ka turjumayso rabitaanka shacabka iyo danaha qaranka waayo hadafka guud ayaa ah in aynu abuurno qaran leh xisbiyo mucaarid ah oo madaxweynaha u sheegi kara markuu darjiidh noqdo ama ka gaabiyo xill gudashadiisa.

Codkeena ayaa inoo haya Hoggaamiye danta shacabka ka horaysiiya tiisa gaarka ah, ta qoyskiisa iyo ta saxiibadiisba. Hogaamiye qalbigiisa ay buuxisay rabitaanka shacabka go’aankasta oo uu qaadanayana ka eega in uu ka tarjumayo rabitaanka shacabka. Hogaamiye sidii Omar Binu Khadaab u cadalad fala, agoonta iyo inta dhiban booqdana habeenkii intey dadku hurdaan.

Codkeena ayaa inoo haya hoggaamiye inoo dhisa haayadaha dawlada kana dhiga hayado ku shaqeeya nidaamka iyo xeerarka u dajisan hadii xiitaa taasi ay ka soo hor jeedo rabitaanka madaxweynaha Jamuuriyadda iyo wasiirka haayadaasi hoos tagto ama agaasimaha maamuula waayo wadanna ma dhismo hadii aanu lahayn haayado dhidibo adag ku tagan oo sharcigu u tilmaamo sidey u fulinayaan masuuliyada ay ugu xilsaaran yihiin qaranka. halkey ku shaqayn lahayeen rabitaanka kuwa awoodu gacantooda ku jirto si ay danahooda u marsadaan. Haayado madaxweynaha, wasiirka ama agaasimaha maamula ku celin kara go’aan uu gaadhey.  Haddii go’aankaasi baalmarsan yahay nidaamka iyo xeerarka u dajisan qaranka.

Codkeena ayaa inoo haya hoggaamiye aan mudo kordhiska aqoon  oo inta aanu xilligiisu dhammaan guntiga u giijista sidii ay u suuro gali lahayd in dorashadu ku dhacdo xilligeeda isna aan rabin in uu maalin ku kordhisto. Sidoo kalena hubiya in la dhiso awoodda haayadaha dorashooyinka si loogu kalsoonado doorashooyinka ay qabtaan in ay yihiin qaar xor ah oo xalaal ah oo waliba xafidi kara codka muwaadinka wax doranaya iyo ka la dooranayaba. Hoggaamiye degdeg u kala dira haayadaha dorashooyinka  markay  lumiyaan kalsoonida  lagu  qabo  dhexdhexaadnimadooda iyo xilgudashadoodaba. Hadii haayadaha dorashooyinka qaranku ay noqdaan qaar aan kalsooni badan lagu qabin waxaa dhici karta in natiijooyinka ay soo saaraan ay dalkan curdinka ah dhaxalsiiso isdhexyaac iyo dagaalo sokeeye. Hoggaamiye inoo dhisa haayado dorashooyin oo aan isaga u adeegin oo dhexdhexaad ah oo aan laga fili Karin in ay dhinac u xagliyaan xilliga dorashada.

Dhammaan dalalka horumaray waxa soo hoggaamiyay hoggamiyayaal taariikhda ku galay isbadelka ay dalalkooda ka sameeyeen iyo sida ay u hanteen qalbiyada shacabkii ay xukumayeen. Waxaynu rabnaa in aynu doorano hoggaamiye dadku ku racaan wax qabadkiisa iyo himilooyinkiisa oo aan lagu taageerin qabiil, fidnada dollarka,  nin jeclaysi iyo guulwadeyn aragti gaaban ku dhisan sida qaarada afrika ay caanka ku tahay ee fadhiidka ka dhigtay.

Qoormo kale oo ku saabsan “madaxweyne suuban oo sidan ah”

Comments are closed.