Cirro Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Culayska Ka Dayso Xisbiga Waddani

0
574

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xukuumada ku dhaliilay inay cabudhin ku hayso xisbigiisa, waxaanu xukuumada ugu baaqay inay aqbasho dhaliilaha ay mucaaradku u soo jeedinayaan.

Guddoomiye Cirro waxa uu si dhaw u sheegay in uu ka dagi doono xilka guddoomiyaha golaha wakiilada oo haatan uu bilowday ololihii laysugu sharaxaayay, waxa uu arimahan Cabdiraxmaan Cirro kaga hadlay mar uu ka soo baxay maxkamada oo la keenay markii labaad laba masuul oo ka tirsan xisbiga Waddani, waxaana isaga oo xarunta baarlamaanka kula hadlaaya warbaahinta uu yidhi "Waxaanu  tagnay maxkamada gobalka Hargeysa,taas oo ay tageen masuuliyiinta xisbiga iyo in badan oo taageerayaasha xisbiga ka mid ah, waxa maxkamada la horkeenay markii labaad laba masuul oo sarsare oo aad ka warqabteen inay mudo bil ka badan ay u xidhnaayeen arimo siyaasadeed oo aanay u xidhnayn wax faldanbiyeed ah, maanta waxaanu dhagaysanay markhaatigii koowaad balamo ayaanu lahayn oo waanu ka soo baxnay, waxa muuqatay in aan wax cadayn ah loo hayn masuuliyiintaas xisbiga, waxa ku cadeeyayna ma jirin, laakiin maxkamadu wali way socotaa, waxaan u soo jeedinaynaa xukuumada iyo xisbiga Kulmiye in aan masuulyiinta xisbiga lagu tacadiyin, lagu xadgudbin oo xuquuqdooda muwaadinnimo ee ay xaq u leeyihiin aan laga qaadin, mucaaradka macnihiisu waa inuu xukuumada toosiyo oo uu wax ka sheego, xukuumaddu ma waxay doonaysaa inay amaanaan mucaaradku, taasi ma dhici karayso, xukuumadda waxbaa laga sheegayaa, waa la canbaaraynayaa, waa la dhaliilayaa, waanay soconaysaa taasi, waxaanu soo jeedinaynaa inay dulqaadkeeda yeeshaan, waa waddo ay shalay soo mareen, waxii ay ka cabanayeen ayay maanta ku wada kacayaan, waa nala cabudhin jiray, xafiiska ayaa nalaga xidhi jiray, masuuliyiinta ayaa la xidhi jiray, intii iyo in ka badan oo toban laabkeed ah ayay maanta samaynayaan."

Guddoomiye Cabadiraxmaan Cirro oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Waxaanu u mahadnaqaynaa ciidanka amaanka oo si wanaagsan u sugaayay shaqo maalmeedka, waxaanu jecelnahay inaan si fiican ula shaqayno ciidanka booliska Somaliland iyo kuwa kale ee amnigaba, wax colaad ah oo ka dhaxaysa Waddani iyo cidnaba ma jirto, waajibkooda shaqo waanu ku taageeraynaa ciidanka, waxaanu jecelnahay inaan si wanaagsan ula wada shaqayno, ula falgalno, waxaanuna uga digaynaa xukuumada in aanay shaqada booliska siyaasadayn oo amaro khaldan aan la siin, oo danbiyo aan jirin samayntooda laga daayo, waxa noo cadaatay inaanu jirin wax faldanbiyeed ah oo halkaas ka cadaaday, waxa aanu ugu baaqaynaa garsoorka in aanay u dabcin farogalinta xukuumada, waa inay madaxbanaanaadaan dastuurkaa madaxbaneeyay, qofkii danbi galayna waa ay ku qaadi karaan, laakiin kiis la siyaasadeedyay  ama masuuliyiinta asxaabta qaranka ha ahaadeen ama saxaafada ha ka soo jeedo, waxaanu ku baaqaynaa inaan la siyaasadayn, muwaadin kasta xoriyadiisa lagama qaadi karo ilaa danbi lagu helo, imika mudo bil ah ayay xidhan yihiin wax danbi ah oo lagu helayna ma jirto, anigu halmarag ayaan dhagaystay oo waxa uu yidhi nimankaasna garan maayo, waligayna maan arkin, waxay sameeyeena ma ogayn, hadana markhaati ayaa loo soo kaxaystay, waxaanu leenahay cadaalada haloo daayo inay cadaalad xukunto, inay baadhaan xaqbay u leeyihiin, asxaabta mucaaradka ahina xilkooda ayay gudanayaan oo waa inay xukuumada toosiyaan oo ay dhaliilaan."

Guddoomiye Cirro oo ka jawaabayay su'aal laga waydiiyay goorta uu ka dagaayo xilka golaha wakiilada waxa uu yidhi"Cidda tartamaysaana xaq bay u leedahay inay tartanto, aniguna waan ka tagayaa."