Cirro Iyo Xirsi Oo Safar Dheer Ka Dib Maanta Hargeysa Ku Soo Laabanaya

0
647

Hargeysa(Geeska)-Waxa maanta dalka dib ugu soo laabanaya mursahaxa xisbiga Waddani iyo hoggaamiyaha xisbigaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Cirro iyo Xirsi, ayaa ka imanaya dalka Imaaraadka Carabta oo ay muddo toddobaadyo ah u joogeen hawlo la xidhiidha xisbiga Waddani, waxaana la filayaa inay maanta saxaafadda uga waramaan ujeedada socdaalkoodaas iyo waxyaabaha u soo qabsoomay.

Cirro iyo Xirsi ayaa mudadii ay dalkaas joogeen waxay kulamo la yeesheen jaaliyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta oo ay uga warameen ajandayaasha xisbiga Waddani iyo waxyaabaha uu qaban doono haddii uu talada dalka qabto.