Ciidamada Qaranka Oo Bilaabay Hawlgalo Ka Dhan Shir Khaatumo Taleex Ku Qabanayso

0
554

Taleex (Geeska) – Ciidamada Milatariga Somaliland ee aaga Gobolka Sool iyo deegaanka Fiqi-fuliye ee Gobolka Sanaag, ayaa u ruqaansaday dhanka deegaano Taleex ka mid tahay.

Ciidamada u ruqaansaday aaga Taleex oo qayb ka mid ahi ka dhaqaaqeen degmada Xuddun ee Gobolka Sool ayaa la sheegay inay shalay gaadheen deegaanka Awr-goobays isla-markaana fadhiisimo ka samaysteen.

Ciidamada oo ay qayb ka yihiin kuwii dhawaan lagu qarameeyay deegaanka Fiqi-fuliye, ayaa hawlgalkooda aad looga dareemay deegaano badan oo gobolka Sool ah, waxaana la sheegayaa in cabsi xoogani soo waajahday Maleeshiyaadka taabacsan kooxda la baxday Khaatumo, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay waday abaabulka shir ay ku qabanayaan degmada Taleex.

Ilo wareedyo ku dhow Ciidamada Qaranka ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in hawlgalka ciidamada qaranku uu la xidhiidho fidinta Maamulka, si meesha looga saaro mashaakilaadka amni daro ee kooxaha nabad-diidka ahi dhulkaasi ka wadaan.

Dhanka kale, hawlgal ay ciidamadii dhawaan lagu qarameeyey Fiqi-fuliye ka fuliyeen deegaankaasi ayaa waxay ku qabqabteen ilaa shan ka mid ah odayaal isku diyaarinayey inay ka qayb-galaan shir kooxda Khaatumo doonayso inay ku qabsato deegaanka Taleex.

Warka ayaa intaa ku daraya in odayaashan oo ay soo xidheen ciidamadii la qarameeyey loo dhaadhiciyey Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Hawlgalka ciidamada qaranka Somaliland ka bilaabeen deegaanadaasi ayaa ku soo beegmaya xili kooxda Khaatumo la baxday ay u diyaar-garoobayaan qabashada shir ku qabsoomayo degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Dhaqdhaqaaqyadii Maleeshiyaadka Khaatumo ka wadi jireen deegaanada Gobolka Sool, ayaa gabi ahaanba meesha ka baxay markii dhawaan la qarameeyay Maleeshiyaad ka badan 600 oo hore uga mid ahaa Khaatumo, kuwaasi oo hadda hormuud u ah hawlgalada maamul fidinta ee ciidamada qaranka Somaliland.