Ciidamada Oo Xalay Soo Qabtay Saddexdii Nin Ee Ka Hadhsanaa Dableydii Dishay Taliye Casayr

0
574

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada Somaliland ee hawlgalka ugu jiray sidii ay u soo qaban lahaayeen saddex nin oo ka hadhsanaa dableyda loo haysto inay dileen taliye Marxuum Cabdiraxmaan Casayr, ayaa xalay la soo qabtay.

dddddddddddd

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in la soo qabtay saddexdaas nin oo uu qabashadooda ku tilmaamay mid muhiim u ah ciidamada Somaliland, “Haa saddexaas nin ciidamadu gacanta ayay ku soo dhigeen, waxaanay ku jiraan gacanta ciidamada ammaanka.” ayuu yidhi Taliye Fadal.

Taliyaha ciidanka Boolisku, wuxuu sheegay inay ciidamada Boolisku soo qaban doonaan cid kasta oo uu falkaasi lugaha la galo, “Cid kasta oo kiis kaasi galo meel kasta oo ay galaan lagaga hadhi maayo, ciidanka booliskuna way ku daba jiraan, sharcigana waa la horkeeni doonaa marka la soo qabto.” ayuu yidhi Taliyaha Booliska, oo aan magacaabin in falkaasi galay cid kale oo aan ka mid ahayn dableydaas.

Dawladda Somaliland ayaa gelinkii dambe ee khamiistii soo qabatay 8 ka mid ah dableydaas oo uu mid ka mid ahi dhaawacyahay, waxaana la soo dhaadhiciyay caasimadda Hargeysa.

Kooxdan ayaa loo haystaa inay dileen taliyihii Booliska gobalka Saaxil Marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Casayr, Alle haw naxariiste oo jimcihii lagu aasay magaalada Berbera.