Ciidamada Itoobiya Oo Ka Degi Doona Soomaaliya Ilaa Xukuumad Cusub Laga Dhisayo

1
583

 

Ethiopian_TroopsAddis Ababa, (Geeska/Bloomberg)- Shimeles Kemal, oo ah Wasiiru-dawlaha Warfaafinta Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadoodu joogi doonaan ilaa xukuumad cusub laga dhiso isla markaana xilka kala wareegto maamulka xilligan.

 

Sida ay baahisay shabakada Bloomberg, xukuumada Itoobiya ayaa sheegtay, “Ilaa Ergada xulistu ansixiyaan dastuurka, ka dibna laga xaqiijinayo dhisitaanka  xukuumad cusub ee federaalka dimoqraadiga ah, ciidamada Itoobiyaanku way joogayaan halkaa,” ayuu Shimeles u sheegay warbaahinta shalay.   

Xukuumada Madaxweyne Shariid ayaa la filayaa qabashada doorashooyin iyo gebagebaynta wakhtiga kalaguurka oo dhamaanaya 20 bisha Sideedaad.

“Ciidamada nabad-ilaalintu way joogi doonaan ilaa xukuumada cusub ay awood u yeelato xasiloonida iyo degenaanshaha Soomaaliya inay saamayn ku yeeshaan weerar kastoo argagaxisada kaga yimaada” ayuu Shimeles raaciyey

 Gelitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ah markii labaad tan iyo sannadkii 2006, oo markii ay ciidamadii maxkamadaha islaamiga ka saareen Muqdisho ay ka baxeen dalkaa.

Comments are closed.