“Cid Naga Jecel Doorashada Wakhtigeeda In La Qabtaa Ma Jirto, Laakiin Waajib Ayaa Dadkeena Inaga Saaran”Murashax Cabdiraxmaan-cirro

0
441

Hargeysa (Geeska)-Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa ka hadlay loolanka ka dhexeeya Axsaabta.

1

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), oo shalay ka hadlay munaasibad uu Xisbigu u qabtay taageerayaal ku soo biiray ayaa sidoo kale tilmaamay in iyadoo abaaro lagu jiro in hadda Xisbiga Kulmiye la soo dagay Gaawidhidii uu ololaha ku gali lahaa, waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya “Xisbigu ujeedada qudha ee  uu leeyahay waa in dalkan la badbaadiyo, oo dadkiisa la badbaadiyo, oo xoolihiisa la badbaadiyo, oo hantidiisa la badbaadiyo, taas ayeynu ku midoobaynaa haddii ILLAAHAY ka dhigo, maanta walaalayaal waxa dalka ka jira abaar ba’an, oo sidii ay Odayaashu ugu sheekayeen ah tii ugu ba’nayd, Boqolkii sanno ee ugu dambaysay, Xoolihii waa dhammaad, dadkana waxa bilaabmay dhimashoodoodii, waa xaaladaha qudha ee Dastuurku jideeyey in Doorashada dib loo dhigi karo, marka ay abaartu dhacdo, iyadoo aan waxba jirin ayaa la kordhin jiray, oo muddo kordhin la sameeyn jiray, maantana waa xaaladii uu Dastuurku fasaxay, in Shacbiga la badbaadiyo”.

Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey Sicir bararka jira ayaa yidhi “Waxa kale oo jira Sicir barar xad dhaaf ah, oo cidhiidhi galiyey noloshii muwaadiniinta reer Somaliland, sida halkan laga sheegay halkii dolar wuxuu marayaa sagaal kun oo shilin, waxa intaa dheer iyadoo xoolihii la joojiyey oo ah laf dhabartii dhaqaalaha, aynu ku nool nahay miyi iyo magaalaba”.

Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlay mawqifka Xisbiga Waddani ee Doorashada ayaa yidhi “Cid naga jecel in Doorashada wakhtigeedii la qabtaa ma jirto, Doorashadana diyaar ayaanu u nahay, laakiin waxa ka horeeya in qaran ahaan iskugu tagno, oo waajibna ina saarani uu yahay badbaadada dadka xoolihii wey dhammaadeene, waxaan soo jeedinayaa oo aanu dadkana u sheegnay,in talo laga yeesho arinta abaarta iyo badbaada qaranka, waxaanu soo jeedinaynaa in madaama Komishanku laftiisu caddeeyey in boqolkiiba todobaatan (70%), ay maqan yihiin dadkii la siin lahaa kaadhadhka, in aanay munaasib ahayn in la bilaabo kaadh qaybin, in aanay munaasib ahayn inaynu galno olole, ololaha maxa la sameeya, inta gaadhi lagu xidho mikirifoono ayaa heeso la soo daaya, waliba Kulmiye Gawaadhidii Sameecadaha lahaa uu soo dejiyey, dad dhimanaya heeso kama dul qaadi karno, olole ma gali karno, waxaanu diyaar u nahay, wakhtiga ugu yar ee ugu munaasibasan ee xaaladan lagaga bixi karo in si wada jir ah u qiimeeyno, Doorashadan wakhtiga ugu yar ee suurtagal ah ee xaaladan lagaga bixi karo lagu qabto”.

Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Xalay (Habeen hore), Garabka dhalinyarada ee Xisbiga Waddani, waxay halkan kaga dhawaaqeen inay fureen sanduuq loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu wax yeeleeyeen, intii ugu horeeysay iyaga ayaa ku riday, waxaan baaq u soo jeedinayaa dhammaan Taageerayaasha Xisbiga, Gudde, Dibad, Gobol, inay ka qayb qaatan Sanduuqaas, oo lagu soo guro dhaqaale, oo ka bilaamaya dolar iyo wixii ka badan, si loo badbaadiyo oo aynu uga qayb qaadano Shacabka dhibaatada soo gaadhay”.

Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey tartanka ka dhexeeya Axsaabta iyo cida uu la tartamaayo ayaa yidhi “Maanta waxaynu is weydiinaynaa horta yeynu la tartamaynaa, Oday Siillaanyo wuxuu yidhi Musharax ma ihi, marka odayga waanu sii macalaamaynaynaa isaga, si wanaagsan ayeynu u sii macasalaynaynaa insha allaahu, Mujaahid Muusena waxaanu doonaynaa Garoon siman, Doorasho xor ah oo xalaal ah inaynu ku tartano, markaynu dadkeena badbaadino kadib”