“Cid Kasta Oo Isku Dayda Inay Somaliland Weerar Ku Soo Qaado, Jab iyo Dhib Ayay Kala Kulmi Doontaa”

33
2957

Eng: Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay dagaalkii dhexmaray Somaliland iyo Puntland, waxaanu tilmaamay in Somaliland cid kasta oo ku soo xad gudubta, oo isku dayda inay wax yeesho, in aanay wax yeeli karin,waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay noqdaan Shacab isku duuban, oo midnimadooda iyo qaranimadooda wada ilaashada, si aan dhexdooda looga faa’iidaysan.

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Bulshada ugu baaqay in laga wada qayb qaato taakulaynta iyo gurmadka dadka ay roobabku waxyeelada u geysteen, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Xadka Somaliland waa la yaqaana, waana macruuf, Tukaraqna xadka Somaliland wuu ka shisheeya, Garoowe ayaanu wax yar u jiraa, markaas  xadkayagii oo wali badh maqan yahay, in haddana mar walba la isku kaaya soo bahaysto, oo si badheedh ah la noo soo weeraro, waa gardaro badheedha, cadawgayagana weerar kasta oo uu nagu soo qaado lagama yaabana inuu libin naga helo, inay jabaan mooye, cid kasta oo isku dayda inay Somaliland weerar ku soo qaadaan, oo nagu soo xad gudbaan jab iyo dhib mooye libin iyo faa’iido naga gaadhi mayso, waxaana guud ahaan Shacabka reer Somaliland leeyahay mid noqda, oo midnimadiina iyo qaranimadiina ilaashada, Puntland, Somaliya iyo wax la mid ahi waxba inaga qaadi mayaane, inay jabaan mooyaane, dhexdeenana yaan laga faa’iidaysan, ee mar  walba aynu isku duubnaano”.

Eng:Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey roobabkii ka da’ay Deegaanada Xeebaha ayaa yidhi “Dhibaato aan yarayn oo baaxad weyn ayaa dhacay, oo roobabkii geysteen, dadkaas ay dhibaatadu ku dhaceena waa dadkeenii, oo guud ahaan Shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay dadkaas soo taakuulayaan, oo dhibaatadaas ku habsatay, ee ah masiibada, inay wixii karaankooda iyo awoodooda ah ay wax kala qabtaan, cid kasta oo gacan ka geystayna waan ugu mahadnaqayaa, bishana waa bishii khayrka, waa bishii ajarka, waa bishii wax la baxsan jiray, ee dadkeena halkaas ku dhibaataysan ee xoolihii, hantidii iyo dadkoodiiba ku baxeen masiibadaas dhacday aynu u gargaarno, oo aynu waxtarno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here