“Ceeb Iyo Sharaf Dhac Bay Inagu Tahay In Yussuf Gabobe Laysugu Daro Xadhig Iyo Xayiraad”

0
644

Picture4Hargeysa (Geeska) -Musharaxa Doorashadda Madaxtooyada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa xadhiga suxufiyiinta Haatuf ee xabsiga Gabilay ku xidhan ku tilmaamay masiibo iyo xasuuq ay Xukuumadda Siillaanyo ku tirtirayso xoriyatul-qawlka iyo madaxbanaanida Saxaafadda Somaliland.  Jamaal Cali Xuseen waxa uu tacadiyada ay Xukuumaddu Shacbiga ku hayso ku eedeeyey labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland, ee Guurtida iyo Wakiiladda oo uu ku dooday inay doorkoodii ilaalinta Xuquuqda Muwaadiniinta inay gabeen isla markaana ay Xukuumadda ku biireen oo aanay gudanin waajibaadkoodii Distuuriga ahaa Xildhibaanadaasi.

 Musharaxa Madaxwaynaha UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale ka hadlay musharax ahaan Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo Madaxwayne SiilLaanyo midka uu jeclaan lahaa inuu la tartamo, kaas oo sheegay inuu midkasta diyaar u yahay inuu kula tartamo hogaaminta taladda dalka ee Shanta Sano ee soo socto, kaas oo tibaaxay inay bulshadda u soo bandhigi doonaan Xisbi ahaan wax badan oo ku qornaa buugii cagaarnaa ee Kulmiye oo aan halkoodii laga soo qaadin isla markaana aanay cidiba is waydiinin.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu khadka telefoonka waraysi kooban ku siiyey Naasir Aadan Maxamed Oo ka tirsan bahda Wargeyska xayiran ee Haatuf Media Network, isaga oo ku sugan Sydney ee dalka Australia oo uu kaga qaybgalay xuskii maalinta aas-aaska gooni isku taaga Somaliland ee 18-ka May.

Ugu horayna isaga oo ka hadlaya xadhiga masuuliyiinta Haatuf, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “In albaabadda loo xidho Haatuf Iyo Somaliland Times iyo Xadhiga Madaxda Haatufba waa sharci darro, daandaansi iyo cabudhin lagu waddo Saxaafadda oo badhna la iibsaday. Badhna la yidhi car juuq dhaha, badhna la xidhay,  Guddoomiyaha Haatuf Media Network Mujaahid Yuuusuf Cabdi Gaboobe iyo tafatiraha Haatuf ee la xidhanba waxaanu leenahay waa arrin aan la qaadan karin oo aan wadadii saxda ahayd loo marin, run ahaantiina waa wax cidkasta oo damiir lihi ka xishoon lahayd in dadkii xasaabada ku lahaa Wadankan in maalinba mid la bahdilo oo waliba tacadi xun lagula kaco”.  Musharaxa Madaxwayne-nimo ee UCID Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya heerka tacadiga saxaafadda ee Xukuumaddii Rayaale iyo tan Siillaanyo, waxa uu yidhi “Daahir Riyaalle 8 qof oo Saxaafadda ka hawl-gala oo suxufiyiin ah ayuu xidhay 8-dii sanadood ee uu taladda dalka hayey , laakiin xukuumadda Siillaanyo ee xisbiga Kulmiye waxay xasbiga dhigtay 57 Weriye Afartii sanadood ee talada haysa, waa xukuumaddii ugu xumeyd ee Somalind soo marta ee xuquuqal iinsaanka Iyo Saxaafadda u daran, Ceeb Iyo sharaf dhac bay inagu tahay in Yussuf Cabdi Gaboobe laysugu daro xadhig, xayiraad iyo Xaruntii Wargeyska oo la xidho, adduunka lama arag xukun noocaas ah, Bal kuwan iyagu saxaafaddii la wada lahaa ee Ummadda Mucaaridka ku caytamaaya, ee haddana aan Adkaysiga lahayn.

waxay ka gubanayaan runta laga qoray Iyo musuqmaasuqa baahsan ee jirra, Yuusuf Cabdi Gaboobe Waa Nin Waddanka Sharaf iyo Karaamo ku leh oo Mujaahidiintii dalka u soo halgantayna ka mid ahaa, may ahayn maalinta 18 May inuu xidhnaado oo isagoo aynu ogayn waxyaabaha uu dalkan soo gashaday inuu 18-kii May ku xuso Xabsiga Gabiley dhexdiisa runtii luuqad adag ayaanu ku cambaaraynayaa ariintaasi, laakiin xaqaa adkaan doona anaguna waanu u hiilinaynaa isaga iyo aqoonyahan Jiir oo cadaalad darro u xidhan”.

Jamaal isaga oo ka hadlaya sida uu u dhacay xadhigii iyo dacwadii Haatuf lagu soo oogay, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa wax lala yaabo oo fajaciso galinaysa bulshadda ah in Suxufiyiintii Maxkamadda gobolka Hargeysa cagahooda ku tagay iyaga oo sita cadaymihii wararkii lagu haystay ee haddana markii ay is yidhaahdeen is difaaca waxba laga dhagaysan-waayey, waliba la cabudhiyey Qareenadii daafacayey madaxda Haatuf, iyagoo loo diiday inay labadii Wasiir ee maxkamadda hor yimid inay wax waydiiyaan, waxaas oo dhan iyo waxyaabo dalka ka dhacay mudadii xukuumadda Siillaanyo waa waxyaabo sumcadii Wadankeena hoos u dhigay in badan”.

Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya waxyaabaha lagaga hortagi karo xasuuqa iyo cabudhinta ay Xukuumaddu ku hayso xoriyatul-qawlka iyo Saxaafadda madaxbanaan, waxa uu yidhi “Waa in Xisbiyadda Mucaaridka in ay dadka abaabulaan oo iyaga Iyo ururadda saxaafadda sida SOLJA oo ay mudaharaad arrinkan ah ka galaan baa laga rabaa. laakiin cidda qudha ee dawladda dastuuriyan u yeedhi karta ee culays gudaha ah saari kartaa waa Baarlamaanka Somaliland ood moodid inay dawladdii ku biireen, hadda Waa kuwii xilligii Daahir Riyaale iyagu mudaharaadyadda abaabuli jiray iyagaana sharciyan qaban kara xukuumadda oo ay bulshadu wakiilatay oo ay dadku doorteen.

 Markaa waxaan arintaas kaga baxyaaa oo aan u arkaa in lagu soo afjari karo tacadiyada xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo mudaharaado joogto ah oo Saxaafadda Iyo Xisbiyadu ugu hiilinayaan Iyo Baarlamaanka oo kaalintoodii ciyaara iyo wadamadda Somaliland taageera Iyo hay,adaha caalamiga ah oo culeys saara xukuumadda”.

 Jamaal Cali Xuseen Musharaxa madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID mar wax laga waydiiyey isagu musharax ahaan cida uu danaynayo inuu la tartamo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo Axmed Siiilaanyo, waxa uu ku jawaabay “Musharaxnimadda Kulmiye waa iskugu kay mid oo cidii ka sharaxan Xisbiga Kulmiye anagu waa la tartamaynaa oo hawl badan iyo halkay wax dhigeen iyo buuggii cagaarnaa baa horyaalla, Muuse Biixi iyo Siilaanyo midkii musharxanimada Kulmiye ku soo baxaba diyaar ayaan u ahay inaan la tartamo, mida kale haddii heshiisku ahaa Muuse Biixi Shanta Sanno ee danbe in loo daayo bay ahayd inkastoo Madaxweynahuna uu xaq u leeyahay inuu mar labaad tartamo. Ummadda ayeey u taallaa laakiin Xisbiga Kulmiye doorashay ku yimaadeene iyaguna dalka in doorasho wakhtigeedii ah oo tii golaha deegaanka ee ay ku fashilmeen aan ahayn baa laga rabaa. xaalkuna ma noqonaayo xajar meel la dhigo iyo xilwareejin joogta ah”.