Hargeysa (Geeska Afrika)- Waxaa la sheegaa in boqorkii lagu magacaabi jiray Alexander ka weyn, oo 323 illaa 356 dhalashadii Ciise (CS) ka hor, ka talinayey imbaraadooriyaddii weynayd ee qabsaty Giriigga, Masar iyo dhulk Beershiya ay maalin maalmaha ka mid ah ay u yimaddeen qolo u sidday war la xidhiidha nin ay sheegeen in uu aflagaado iyo hadallo mucaarad ah ka faafiyo.
“Hebel carrabkiisu waa uu ku soo gaadhaa, oo adiga ayuun buu ceebahaaga ka sheekeeyaa” ayaa ay ku yidhaahdeen, kadib waxa uu ugu jawaabay, “Ninkaas kuma aqaanno in uu shar-wade yahay, markaa bal hadda aan dib ugu noqdo in ay jirto wax dhibato ah oo dhinacayaga (Dawladda) kaga timid oo uu aargoosigeeda sidan u yeelayo” boqorkii markii uu xaalkii ninka u dhabbogalay waxa uu ogaaday in ninkan ay baahi badan oo adduun hayso, kadib hadyad dhaqaale ayaa uu u diray. Maalintii lacagtii boqorku soo gaadhay ayaa uu ninkii bilaabay ammaanta boqorka iyo dawladdiisa, fagaare kasta oo la’ isugu yimaaddana ka sheegay ammaanta iyo wanaagga boqorka.
Kadib boqorkii oo warkiisa hoos ula socday markii uu arkay isbeddelka ku dhacay ninkii ee mucaaradaddiisii u beddelay muxaafadnimo mucangag ah, ayaa uu u yeedhay nimankii odayaasha ahaa ee warka u keenay oo qudhoodu la yaabban waxa ninkii beddelay, kadib waxa uu ku yidhi, xikmaddan kooban, “Soo ma’ aragtaan in wanaag iyo xumaan waxa la’naga sheegayo aanu annagu isu hayno”