Hargeysa (Geeska)- Casharka saddexaad ee aynu ku soo qaadanayno duruustii aynu ugu magacdarnay ‘Casharrada Nolosha’ oo aynu aalaaba ka soo qaadanno buugga ‘Mawcidun macal xayaat’ waxa aynu ku soo qaadanaynaa muhiimadda ay leedahay in qofku marka uu himilo gaadhisteed ama riyo rumaynteed guul-darro kala kulmo ay la gudboontahay keliya in uu dib uu noqdo xisaabtiisa oo uu bal hadda markan beddelo jidkii uu markii hore u maray, kadibna mar kale isku dayo, laakiin waxaa qalad ah I uu quusto oo halkaas himiladii oo dhan kaga hadho, isaga oo aan dareensanayn in marar badan himilada gaadhisteedu fududahay ee jidka aynu u marnay uun qaldan yahay. Si haddaba xaqiiqada arrintan aynu ficil ahaan ugu aragno aynu dhuganno qisadan:
“Nin indho la’ oo dawarsanaya ayaa fadhiistay shaarac dadku aad u marayo, waxa aanu dhulka dhigtay koofiyaddiisii si dadku waxa ay siinayaan ugu ridaan, isaga oo dhinaciisana dhitay boodh yar oo ay ku qoran tahay, ‘Waxa aan ahay indhoole ee fadlan I caawiya’.
Nin dadka xayeysiiyada ka shaqeeya ah ayaa jidkii soo maray oo damcay in miskiinkan uu koofiyadda wax ugu rido, laakiin waxa uu arkay koofiyaddii oo madhan, kadib warqaddii yarayd ee boodhka ahayd ayaa inta uu soo qaaday waxa uu ka tirtiray qoraalkii hore waxa aanu ku beddelay, ereyo kale, waana uu iska teey, inta uu halkeedii dhiay.
Muddo yar kadib miskiinkii indhoolaha ahaa waxa uu dareemay in koofiyaddiisii maanta oo dhan madhnayd ay buuxsantay sadaqad. Nin caqli badan ayaa uu ahaa ee waxa uu markiiba fahmay in ay wax is beddeleen oo weliba ninkii uu dareensanaa in uu boodhka yar wax ku qor-qorayaa uu wax beddelay.
Mid ka mid ah dadkii jidka marayey oo u soo dhowaaday si uu koofiyadda sadaqad ugu rido ayaa uu ninkii indhoolaha aha aka codsaday bal hadda in uu u akhriyo waxa ku qoran boodhka yar ee hareer yaalla, ereyadii uu akhriyeyna waxa ay noqdeen, “Waxa aynu ku jirnaa xilligii gu’ga, laakiin aigu nasiib uma aan yeelan in aan awoodo daawashada quruxdiisa”
Ruux kasta oo jidka marayey ereyadan ayaa dareenkiisa beddelay oo waxa uu ka naxay in xilligan quruxda badan ee uu ku raaxaysanayo uu miskiinkan iyo dad la mid ahi ka qatan yihiin, si dhaqso ah ayaanu jeebka gacanta u geliyey si uu wax u siiyo.
“Marka ay arrimuhu sida aad doonayso u socon waayaan, keliya beddel jidka aad marayso”