Carwada Buugaagta Oo Maalintii Shanaad Gashay

0
511

carwoHargeysa(Geeska)-Carwada bandhiga buugaagta Hargeysa ayaa maanta galaysa maalintii shanaad.

Carwadan oo la furay 1 August, lana filayo in la soo xidho khamiista beri waxa ka qayb galaya qorayaal, abwaano iyo aqoonyahan kale oo isugu jira kuwo ajaanib ah iyo kuwo u dhashay dalalka Somaliland iyo Somaliya oo Hargeysa u yimid ka qayb galka carwadan.

Carwadan buugaagta Hargeysa oo siddeed jirsatay, waxa ay soo jiidatay dareen caalami ah, waxaana inta badan muxaadarooyin ka jeediya qorayaal caalami ah iyo abwaano magac ku leh guud ahaan bulshada Somalida.

Sidoo kale waxa lagu soo bandhigay buugaag tiro badan oo isugu jira kuwo ku qoran luuqado kala duwan oo u badan Ingiriisi iyo Somali kuwaas oo ay qoreen qorayaal kala duwan oo dunida magac ku lihi.