Cali-sanyare Oo Ka Hadlay Xadhigii Ganacsade Cumar Caydiid

0
575

Waxaan la qabaa, kuna taageersanahay haldoorka kale duwan ee bulshada

Somaliland, ee sida fiinta uga ciyey amase uga qeyliyey xaqdarada, sharciga

baalmarsan ee lagula kacay Ganacsade CUMAR CEYDIID, iyadoo loo

Isticmaalay awood xukuumadeed oo qawan.

1111111111111

Falkaasu wuxuu kasoo horjeeda, guud ahaan, qodobo badan oo la xidhiidha

dastuurka dalka oo uu ka mid yahay qodobka 25aad, faqradiisa 3aad. Wuxuu

kaloo khilaafsanyahay Xeerka Ciqaabta iyo nidaamkiisa loo soo maro fal-dambiyeedka

dhibanaha dacweysani uu ku waayi karo xoriyadiisa.

Waxay dhacdadaas maleegani u eegtahay mid dhinac ka dhagareysan, dhinaca kalena

ka leh ujeedo siyaasideysan oo aan marnaba laga filaneyn dal diimoqraadi ah iyo

xukuumad ku timid rabitaanka shacbiga iyo cod bulshadeed. Wuxuu falka noocaas

ahi ku suntanyahay dal diktatooriya oo uu hogaaminayo kalidii-taliye.

Waxaa kaloo fajiciso noqotay warka warbaahinta ku soo baxay MAANTA ee sheegay

in Taliyihii Saldhiga Ibraahim Koodbuur shaqadii laga fadhiisiyey, xadhigna loogu daray.

Waxaa la soo tebiyey inuu dembigiisu uu ahaa "maxaad ugu ogolaatay Guddoomiyaha

Golaha Wakiilada oo Isla markaasna ah Guddoomiyaha Xisbiga WADANI in uu arko Ganacsade Cumar Ceydiid.

Waxaad ogsoontihiin in qof kastaa ku arki karo maxbuus xukuman jeelka dhexdiisa ama

saldhig boliis. Sidaas oo kale ayaa maxaabiista xukun sugayaasha ihina ( remand prisoners) la soo booqan kara. Sifaha Ganacsade CUMAR CEYDIID lagu soo xidhay way ka duwantahay labada xaaladood ee kor ku xusan. Sababta oo ah, Ilaa hadda, dacwad

laguma soo oogin maxkamad sharci ahna xadhigiisa lama soo marin. Markaas,ila hadda, Ganacsaduhu wuxuu yahay qof aan garsoorka u xidhneyn, balse , hadana maxbuusan.Cid uu u sharciyan u xidhanyahayna lama sheegin. Markaas uma aragno sabab caqli gal ah oo booqashada dadka loogu diidayo. Waxaase, la odhan karaa Cumar Ceydiid wuxuu ku xidhanyahay AMAR QARQOOSH lagu tilmaami karo noocii ahaa " II HAAYE" ee xukuumaddii Siyaad Bare isticmaali jirtay

Sababaha kor ku xusan awgood, waxaan, dhawaaq dheer , ku cambaareynaya xukuumadda Somaliland xadgudubka sharci ee ay kula kacday Ganacsade Cumar Ceydiid. Waxaan ku baaqaya, in si degdeg ah, xoriyadiisii loogu soo celiyo.

Waxaa kaloo ah wax laga damqado, haddii warku suganyahay, eriga lagula kacay

Taliyihii Saldhiga Ibraahim Koodbuur . Waa waali kale oo ciqaabeed oo hadana

u muuqda mid khaldan oo aannu sinaba wax dembi ah ku muteysan karin Taliyahu

xil-gudashadiisa.

CALI IBRAAHIM MOXAMED ( CALI- SANYARE)

Wasiirkii Hore ee Qorsheynta Qaranka, Isku-duwida iyo

Xidhiidhka Ha'yadaha Caalamiga.

Atlanta, USA

Tel: 001(240) 714 6425