Cali Khaliif Galaydh Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Puntland Oo Ka Dhan Ah Heshiiska Hargeysa Lagu Saxeexay

0
713

Hargeysa(Geeska)-Prof,Cali Khaliif Galaydh ayaa si aad ah u dhaliilay madaxweynaha Puntland isaga oo sheegay in aanay waxba ka dhaxayn maamulka Puntland.

Cali Khaliif waxa uu ku dhaliilay madaxeynaha Puntland Cabdiwali Gaas in uu yahay in aan xukumin magaalada Gaalkacayo oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi uu siiyay tilifishanka Somalinews xaruntiisa magaalada Hargeysa, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi"Waa iska hadloow ina Iigare  waxa uu halkaas ka yidhaahdo waxa dhagaysta ayaaba ka daran, waxay qudha ee ay Puntland ka tahay Sool,S anaag iyo Cayn waa inay kolba u yeedho odayaal dhawr ah oo ay xoogaa dhaqaale ah ku saydhsaydho oo cad quudheed ku tuur tuurto, ninkaas leh madaxweyne ayaan ahay oo dastuurka ayaa I faraaya inaan dhulka xukumo waar ma xukumo oo dadkii waxan lahaa way tashadeen maamulkoodana way samaysteen kooda haw taliyo, Gaalkacayo oo uu isagu u dhashay ayaan gacanta ugu jirin inta uu Gaalkacayo iyo Garoowe ka maqan yahay ayaa ka badan intuu joogo. Hadduu cid la talinaayo isaga iyo maamulkiisu ha tashadeen danahoodana ha ku aadeen,anagu waxaanu mar walba u nahay diyaar hadday iyagu miyirsadaan in wada hadalo iyo nabad ku wada noolaansho iyo daris wanaag waxase aanu wada leenahay oo golayaal iyo siyaasad ahi ma jirto, waxa la yidhi dhidarka ayaa wax ka hurdo badan, mar uun buu danab ku dhacaa oo meesha ugu horaysa ee uu u ordi karo ayuu u ordaa, dad, ood, dudumo iyo waxii uu doonayaba waa jiidhayaa wadaadkaasi maruun buu maqlaa shirar ayaa halkan ka socda  markaas ayuu sidii dhidarka soo hanbabaraa wadada ayaan uga baydhaynaa bal halka uu noo dhaafayo ha noo dhaafee."