Cali-Gurey Oo Soo Bandhigay Kooxaha Doorasho Diidka Ah

0
625

Picture2Hargeysa(Geeska)- Gudoomiyaha saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Asxaabta Mucaaradka ahi tanaasul badan ka sameeyeen wakhtiga doorashada la qabanayo, sidaas darteedna go’aan kasta oo ka badalan kii Komishanku soo jeediyay ee ahaa in 1-da June 2016-ka doorashada la qabto  oo guurtidu soo saarto aan la aqbali doonin.

Waxa uu sheegay in Mucaaradku ku noqon doono mawqifkoodii hore ee ahaa in dawlad wadaag ah la sameeyo wixii ka dambeeya 26 June 2015.  Wuxuu kaloo Cali Gurey sheegay cidda doorashada diidan ee aan diyaarka u ahayn

  “Laba Arrin baynu dunida kula noolayn oo la inagu yaqaanay oo aynu la shir tagi jiray, waxay ahaayeen Dimuqraadiyadda iyo Nabad galyada. Cidda doonaysa labadaas inay burburisaa, miyaanu ahayn shirqool gabi ahaanba lagu mijo xaabinayo qaranimada Somaliland, iyadoo laga faa’iidaysanayo xaaladda Liidata ee Madaxweyne Siilaanyo oo aanu ognahay inaanu wax muddo kordhin ah doonayn oo uu waliba raali ka ahaa 26-ka June in doorasho dhacdo. Waxaa nasiib wanaag ah oo aad Internet-yada iyo Caalamkaba ku aragteen Shakhsiyaadka aanan hore Magacooda u sheegin ee aan u bixiyay doorasho diidka Somaliland , waa dhawr iyo toban qof oo rag iyo dumar ba leh, waana intaas inta Shirqoolka ka dambeysa. Guurtida maaha, guurtidu waa sidii ay awal ba ahayd  oo Lacag baa loo laabayaa, waxay qaadanayaan Laaluush, go’aankooduna Laaluushkaas buu ku xidhnaanayaa wax ku cusub na maaha” Ayuu yidhi Cali Guray.

Gudoomiyaha saddexaad ee Xisbiga Ucid, waxa uu Wakiilada ku eedeeyay inaanay doorasho diyaar u ahayn “ Qoladan wakiiladu diyaar uma ah doorasho. Golaha wakiilada oo Cabdiraxmaan Cirro Gudoomiye ka yahay ilaa hadda may soo dhigin xeerkii lagu dooran lahaa” Mudane Cali Guray, waxa uu sheegay in Go’aanka muddo kordhineed ee Guurtida laga dhawrayaa hadduu taageero Muddada halka sanno ah ee Komishanku cayimay la aqbali doono haddii kalese aan la qaadan doonin “Go’aanka la dhawrayaa haddii wixii lagu heshiiyay uu taageero oo ay tahayna inuu taageero oo ay waliba duco raaciyaan dadkoodii oo Khilaafkii ka baxay oo doorasho ku heshiiyay oo gacmaha is haysata oo bulshada Caalamkuna la ogoshahay oo loo wada dhan yahay haddaanu anagu halkaas soo gaadhsiinay waxay ahayd inay yidhaahdaan mar haddaad heshiiseen waa Illaahay mahaddii annana waxaa noo yaal inaanu idiin xalaalayno wixii aad ku heshiiseen.

Haddii waxaas wax ka duwan ay keenaan, waar marka lagu heshiin waayay wixii lagu heshiiyay, ma waxaa lagu heshiin waxaan lagu heshiin?,  waa maya. Muaarad ahaan haddii go’aan kii Komishanka ka duwan ka soo baxo Guurtida, waxaa ugu horayn buraya heshiiskii ahaa in 1-da June 2016 doorashadu dhacdo, waxaana dib la iskugu soo noqonayaa halkii laga dhaqaaqay 2 sannadood iyo badh ka hor ee ahaa in haddii doorasho la qaban waayo 26-ka June 2015 inaan Madaxweyne Siilaanyo Madaxweyne noo ahayn, golaha wakiilada aanan aqoonsanayn”