Cali Gurey Oo Ka Digay In La Fulin Waayo Heshiiskii Xukuumada Iyo Xisbiyada

0
630

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka hadlay heshiiskii ay Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda ka gaadheen dib u dhaca iyo qabsoomida Doorashada, waxaanu sheegay in Madaxweynuhu ku baaqay wada hadalkii keenay heshiiskan, Madaxweyne ku xigeenkiisuna uu gudoominaayey,balse uu heshiiskani u muuqdo mid ay Xukuumaddu ka seexatay hirgelintiisa.

Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo Shalay Xafiiskiisa ugu waramaayey qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay cida xaqa u leh cayimada iyo qabashada Doorashada, waxa uu sheegay in Komishanka Doorashooyinku xaq u leeyihiin inay cayimaan qabtaana Doorashada, balse Golaha Guurtidu aanay xaq u lahayn, isla markaana sharci daro ay tahay inay wakhti u cayimaan Doorashada, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay“Anigu waxa aan kuu sheegay mawqifka Xisbiga UCID, waxa uu ahaa mar walbana ahaa inta ka horeeysa 26-june, haddii aan waxba lagu heshiin, oo aan la isku iman oo aan waxba lagu heshiin, anagu aqoonsan mayno Xukuumaddan, ilaa Barlamaan ayaanu aqoosanaanaynaa  oo aanu Sharciga u aqoonsanaynaa su’aashu waxa ay tahay wax ma lagu heshiiyey mise waxba laguma heshiin, anagu waxa aanu qabnaa in wax lagu heshiiyey, in la wada hadlay oo Madaxweynuhu wada hadal uu ku baaqay oo Madaxweyne ku xigeenkiisu gudoomiyey, oo isagu gogosha fidiyey, oo la wada hadlay oo wax lagu wada heshiiyey, oo lagu heshiiyey furihii arimaha kale, ee loo baahan yahay in lagu heshiiyo, waayo arinta qudha ee u baahan in lagu heshiiya maaha Taariikhada Doorashada uun, waxa lagu heshiiyey Taariikhada Doorashada la qabanayo, waxa lagu heshiiyey oo Xisbiyada tartamayaa ay ku heshiiyeen in December dhacdo Doorashadaasi, anaguna marar badan waxa aanu qirnay oo aanu sheegnay inay Doorashadaasi dhacdo 2016-ka, 2017-ka sida uu Saleebaan Gaal leeyahay Sharci, xaq iyo Dastuur midna aan lahayn haddii ay 2017-ka noqotay aanana shaqo ku lahayn, kana qeyb galayn, ina qaadayno in aan la doonaynin in dalka Doorasho ka dhacdo” Cali Guray ayaa mar uu ka hadlay mawqifkii Madaxweynanaha ee Doorashada ayaa yidhi  “Madaxweynuhu waxa uu yidhi sida uu sharcigu ina farayo ayaa la yeelayaa, ee inuu ka rumeeyo ayaa loo baahan yahay, halka ay ku taalo Saleebaan Gaal ayaa qabanaaya Taariikhda Doorashada halka uu Madaxweynuhu ka sharciyeynayo haddii uu leeyahay waa Sharci, waxa loo baahan yahay inuu noo sheego, waxa ilaa Maanta Madaxweyne ku xigeenka iyo Kulmiye u dhaqaajin la yihiin waxa aanu ku heshiinay su’aal ayaa saaran, in la dardaro galiyo oo ay socoto ayaa loo baahan yahay”.

Cali Guray ayaa mar uu ka hadlayaayey cida xaqa u leh qabsoomida iyo cayimida Doorashada ayaa yidhi “Su’aashu waxa weeye ayaa xaq u leh inay cayinto Taariikhada Doorashadu dhacayso, ama Madaxweyne ha hadlo ama XIsbi ha hadlo cida xaqa u leh inay cayinto Taariiikhada Doorashada waa Komishanka Doorashooyinka, oo haddii uu doono nagu raaci kara December haddii kalena kowdii June ku adkaysan kara, cida qudha ee xaqa u lehi waa Komishanka Doorashooyinka, meel uu Madaxweynuhu ka siin karo xaqaas iyo sharciga Saleebaan ama Guurtidu ma jirto, markaas waxa aanu leenahay anagu 26-june ma afuufayno siidhi laakiin waxa aanu leenahay oo aanu Madaxweynaha ka sugaynaa oo Madaxweyne ku xigeenkiisa ka sugaynaa oo aanu Guddoomiyaha XIsbiga Kulmiye  ee lagula jiray Shirka ka sugaynaa, weynu soomahay ee ma been ayaad dadka u sheegayseen, miyaad na khiyaamaynayseen, maxaad u jeedeen, weynu wada hadalnay, wax ayeynu ku heshiinay,waad og tihiin in aanay Guurtidu xaq u lahayn inay cayinto Taariikhada Doorashada, maalintii kowaad maxaad ugu gudbin weydeen Maxkamada, haddii aanu Madaxweynuhu ku dhiiraynayn, ama aanu ku dhacayn talaabo sharciya inuu ku talaabsado, oo meel alaale meel ay Guurtidu ka soo galayso inay cayinto taariikhda Doorashada, Xisbiyada ka qeyb galaya aanay meel ka soo galaynin, anagu waxa aanu u qabnaa in laga warwareegayo  marka labada cisho dhammaato haddii ALLE yidhaah, haddii aan la dardar galin, waxaana anagu jecel ahay in si  Nabadgeliyo ah oo wada jir ah loo dardar galiyo Doorashada, markaas anigu dhaqan galinta heshiiskii ku xidhi maayo Laba cisho, ee laakiin wey iska soo oodbi, kaadi badanana waa loo gogol badiyaa, oo haddii ay sidan u shaqaynayaan oo heshiiska ay Umadda heshiis la galaan oo Bulshadii Caalamku og tahay, Komishanku og yahay, oo Xisbiyadii og yihiin, oo cid waliba og tahay, oo inta ay Gidaarka iskaga tuuraan dhogoolaynayaan taasi shaqayn mayso, dana waa la iskugu dhici markaas”.