Cabdirisaaq Khaliif Oo Sheegay Inay Dalbanayaan Mudaharaad Lagaga Cabanaayo Nolosha Sii Adkaanaysa

0
471

Hargeysa(Geeska)-Cabdirisaaq khaliif oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku dhawaaqay inay dalban doonaan mudaharaad salmi ah oo dhibaatooyinka shacbiga soo waajahay ay ku muujinayaan.

Sida oo kale waxa uu Cabdirisaaq Khaliif sheegay inay gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka u gudbiyeen warqad cabasho ah oo ka dhan ah wasaarada arimaha gudaha iyo booliska dalka oo ka joojiyay xaflado ay qabsanayeen. waxaana uu arimahan ka sheegay barnaamij uu ku waraystay tilifishanka Kalsantv, waxaana isaga oo arimahan kaga hadlaaya uu yidhi "Waxaanu u gudbinaynaa wasaarada arimaha gudaha mudaharaad salmi ah oo lagaga cabnaayo dhibaatadan baahday ee dadka haysata abaar,sicir barar,maamulxumo  ama dhawaaqyada soo baxaaya ha noqotee ay ka mid ka yihiin in musuq maasuq baahay uu jiro, waanu ka dalban doonaa, laakiin arimaha aanu aadka ugu cabanay ee khuseeyay wasaarada arimaha gudaha iyo taliska boolisku waxay ahaayeen in la joojiyay xaflado ay lahaayeen xisbigu waxaanu u gudbinay guddoomiyaha maxkamada sare; aad ayaanu runtiina ugu mahadnaqaynaa iyo maxkamadaha dalkaba waxaanuna is leenahay waa meesha ka bad qabta haykalka idiin dhisan, waa uu naga qabtay warqadii waxaanu nagu yidhi waanu idiin soo jawaabaynaa, anagana degdeg naguma jiro oo waanu sugaynaa."