Cabdiraxmaan-Cirro Oo Ka Soo Laabtay Safar Uu Ku Tagay Itoobiya Iyo Uganda

0
587

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay dalka ku soo laabtay, ka dib safar uu ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Uganda.

cccc

Cirro, waxa madaarka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani iyo dadweyne kale, waxaanay warar xogogaali sheegeen inuu dalka Itoobiya ku soo yeeshay kulamo muhiim ah, halka aan dalka Ugandana weli laga haynin xog rasmi ah ujeedada uu u tagay.