Cabdiraxmaan-Cirro Oo Cisbitaalka Ku Booqday Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

0
477

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), ayaa habeen hore  booqday Alle ha caafimaadiyee wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo xaalad caafimaad u jiifa cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

1

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro),oo booqashadiisan ay ku wehelinaayeen xubno ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee xisbiga WADDANI, ayaa ugu horreyn Inj.Maxamed Xaashi ka xaal waraystay xaaladdiisa caafimaad, waxaana uu Alle uga baryey in uu caafimaad deg dag ah uu siiyo isaga iyo umadda kale ee Islaamka ah ee xanuunsanaysa ba.