Cabdiraxmaan-Cirro Iyo Cabdi Haybe Oo Eeddo Kala Duwan U Jeediyay Xukuumadda

0
641

Hargeysa(Geeska)-Murashaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay ku fashilantay u adeegida Shacbiga Somaliland, isla markaasna ay suuqyada dalka ku sii daysay lacag badan oo la soo daabacay taas oo qayb weyn ka ciyaartay sicir bararka xadhkaha goostay ee dalka.

Sidoo kale siyaasiga Cabdi Haybe oo isna ka tirsan xisbigaas ayaa ku eedeeyay xukuumadda inay ku ololaynayso raashinka mucaawinada ah ee dunidu u soo dirto dadka tabaalaysan.

Waxa ay masuulyiintani sidan ka sheegeen  xaflad xisbiga Waddani uu shalay xilkii guddoomiyaha gobalka Maroodi-jeex ee xisbiga ugu kala wareejiyay guddoomiyihii hore Siciid Bustaale iyo guddoomiyaha cusub mujaahid Xuseen Aaden-cadde.

Cirro

Cabdiraxmaan-cirro ayaa ugu horayn wuxuu yidhi "Waxaan u soo jeedinayaa maadaama oo uu wakhtiga doorashada ka hadhay uu aad u yar yahay inay xukuumaddu bixiso lacagtii doorashada inta ka dhiman, waayo wakhtiga inoo hadhay aad ayuu u kooban yahay, waxa loo baahan yahay in la suurto galiyo dhamaan agabkii doorashada, xukuumadda Somaliland ee maanta joogtaa runtii way ku fashilntay adeegii ay shabiga u haysay, waxa ugu daran waa sicir bararka oo maanta qof kasta nolashiisii taabtay oo sii adkeeyay oo nolashiisii cidhiidhi sii galiyay, halka ay ka sii fududayn lahaayeen halkay ka dawayn lahayd sicir bararka qayb ayay ka tahay waayo maalin walba lacag cusub ayaa la soo daabacaa oo suuqa la soo galiyaa, taas oo qayb ka ah sicir bararka taagan, xukuumaddu inay arintaas wax ka qabato ayaanu u soo jeedinaynaa. waxaan shacbiga u dirayaa inaan u diyaar garowno inaan qaadano kaadhadhka codbixinta ee Togdheer iyo Maroodi-jeex, waa inaan  u diyaargarownaa inaan qaadano kaadhadhka si aynu xaq ugu yeelano inaan codayno.”

Cabdi Haybe

Cabdi Haybe Maxamed ayaa isna yidhi “Qaabka uu u shaqaynaayo Kulmiye, waxa jira in meelaha qaarkood raashin la gaynaayo, waxay doonayaan inay ollalaha ku galaan raashinkii mucaawinada ahaa ee dadka loo keenay, waxa loo baahan yahay in labadaas casho ee inoo hadhay la geeyo goobaha muraaqibiin oo ilaaliya in aan dadkeena kaadhadhka laga iibsan, dadku xadka way ka shisheeyaan ee sidii loo soo guri lahaa ee loo abaabuli lahaa ayaa loo baahan yahay."

Waxa iyaguna munaasibadaas ka hadlay guddoomiyaha xilka wareejiyay Mujaahid Siciid Bustaale iyo guddoomiyaha cusub Mujaahid Xuseen Aaden-cadde. Sidoo kale siyaasiiin iyo dhallinyaro ayaa iyaguna madashaas hadalo ka jeediyay, waxaanay balan qaadeen inay la shaqayn doonaan guddomiyaha gobalka ee cusub.